applicationka ama barnaammijka aniviruska ah ee telefoonkagu waxa uu telefonkaga ka saaraya virusyada iyo malwareada haday ku jiran, hadii aanay ku jirina waa uu kaa ilaalinaya, waxa uu sido kale kaa ilaalinaya websiteyada iyo urlska aan nadiifta ahayn ee maliciouska ah, iyo wixi kale ee dhib u keenaya telefonkaga iyo xogta kuugu kaydsan telefonkaga.

sido kale antivirusyada wanaagsani waxa kale oo aanay sido kale samayn taban aanay ku yeelan doonin tayada telefonkaga marka aad adeegsanaysid sida culays iyo internet ay kaa lumiyaan, halkan waxa aan idinkugu so gudbin doona 4 antivirus application kuwaas oo ku wanaagsan marka loo eego isticmaalka, saamaynta tayada telefonka, falcelinta isticmalayashi hore iyo sido kale featureska(farsamooyinka) ay kuu ogolaanayaanba

01 avira security

avira seccurity app waxa uu leeyahay dhamaan waxkasta oo ay qabanayaan appska antiviruska ahi sida inuu si automatic ah uga baadho telefonka virusyada iyo malwareka, eego aplicationska ku duuban telefonku waxa ay qabanayan ee isku dayayaan, dhanka isticmaalkana waa mid aad si fudud u adeegsan kartid.

avira waxa uu scan ama baadhitan virus mobilkaga ku samaynaya markasta oo telefonkaga aad computer ku xidhiidhisid kadibna ka saartid, iyo qaab waqtiyaysan baadhitan ah maalin kasta , iyo in adigu marka aad rabto aad amar ku siisid inuu baadhitan ku sameeyo telefonkaga.

hadii uu helo virus ama malware ku kaydsan telefonkaga markaba waa uu kuu sheegayaa isago xita ku waydiinaya inuu ka saaro telefonka oo delete gareeyo, inuu daayo.

waxyaabaha kale ee uu samayn karo avira security app waxa kamida inuu eego appsku marka ay update qaatan inay filal virus ahi kuso biiran. iyo farsamooyin kale sida ka hortaga in la xado telefonka, oo hadii lagaa xado telefonka aad masixi karaysid, lock ku xidhi karaysid, iyo taariikh uu ka reebayo inti uu ku jiray telefonka virusyo iyo malwareadii uu helayba.

02 bitdifender

bitdifender waa midka labaad ee kuso baxay liikena, marka loo eego featureska maaha mid aad ku siinaya features fara badan maadama uu leeyahay qayb iib ah oo aad ka helayso features badan, balse waxa uu kuu ogolaanaya inuu ka baadho telefonkaga virus iyo malware hadii uu helona, muraayda ayu kaa tusaya reportga, qaybtiisa iibka ah waxa kamida featureska cajiibka ah ee ku jira, inuu eego browserka telefonka iyo waxyaabaha ku jira, si uu uga hubiyo websiteyo malicious ah iyo sido kale waxyaabo privacygaga ama xogtada basaasaya.

03 avg antivirus free

the avg antivirus app waa antivirus applicationki u horeeyay ee gaadha 100 million oo downloads ah dhanka google playstore, waxa uu kaa ilaalinaya virusyada, appska viruska ah, iyo sido kale malwerska.

sida avira avg waxa uu ka baadhaya viruska iyo malwerka telefonkaga, appska viruska ah ayuu kuu shegaya haday telefonkaga ku jiraan, waxa uu eegaya xogtada ku kaydsan telefonkaga isago ka baadhaya in wax dhib ku keenaya telefonkaga iyo xogtaduba ku jiro, wixi uu helona waxbixin ahaan ayuu kugula wadaagaya muraayada telefonkaga.

appkan waxa uu leeyahay qayb iib ah, balse qaybtiisa freega ah waxa jira waxyaabo badan oo aad ka helayso, waxa kamida firewall internetka telefonkaga kuu ilaalinaya, in uu telefonkaga ka saaro waxyaabaha aan muhiimka kuu ahayn ee kaydkaga ku jira ee loo yaqaano junk files, balse hal dhib ayuu leeyahay oo ah waxa uu wataa xayaysiis appkani marka aad freega ku isticmaalaysid. ka hortaga in telefonka laxado,batteryga mobilka caafimadkiisa, iyo wixi qashin ah ee ku kaydsan telefonka inuu ka saaro.

waxyaabaha kale ee aad ka helayso appkan waxa kamida inuu kuu sheego markasta oo aad isticmaalayso wireless ama wifi aan save ahayn, inuu kuu sheego appska eegaya macluumadka dareenka leh ee telefonkaga, waxa jira features farabadan oo kale balse si aad u hesho wax auu leeyahay qayb iib ah oo ubaahan inaad iibsatid si aad uheshid.

04 mcafee security.

appkan kaliya maaha inuu kuu ogolanayo inuu telefonkaga baadho kasaarona virusyada iyo malwareka balse waxa jira waxyaabo kale sida inu nadiifiyo memoryga computerka si telefonku culays ugu iman,

inuu caafimadka batteryga kor uqaado, inuu kuso gudbiyo appska macluumadka xasaasiga ah ee telefonka isticmaala, kuuso gudbiyo marka telefonkaga kaydkiisa 30% hadheen, inti kale xogi ku kaydsan tahay, waxa kale features farabadan oo aad ka helayso qabytiisa iibka ah.

Write a comment