Asc asxaabta somalitech. 27 bishi january ee sanadkan oo ah 1 weak ka hor waqtiga aan muuqalka duubayo  waxa laga saaray application malware ah ama virus ah google playstore. Appkan ayaa waxa uu ahaa mid sheeganayay inuu yahay 2 step verification application ah balse waxa uu ahaa virus ama malware kaas oo muhiimadisu ahayd inuu xado xogta qofka ee ku kaydsan telefonka gaar ahaan xogta xasaasiga ah ee qofka.

appka waxa helay company ah cyber security reseachers ah oo lo yaqaado pradeo. appku waxa uu isu eekaysiinayay app sax ah oo nadiif ah, balse waxa uu ahaa malware khatar ah oo xadayay macluumadka xasaasiga ah ee qofka  gaar ahaan kuwa lacagta ee bangiyada. Sida ay reseachersku sheegen appka viruska ah waxa laga saaray google playstore 27 bisha january 2022, markaas oo uu ku jiray google playstore 2 weak, halkaas oo labadaas wiik  lagu sameeyay 10.000 oo la dagis ah. ­­micnaha 10.000 oo qof ayaa la dagay ama download garaystay appka.

pradeo ama companyga helay appkan viruska ah waxa ay sheegen in sababta appkan ugu guulaystay inuu soo galo playstore ay tahay in uu appkani isu eekaysiiyay app xaqiijin oo ah 2step verification kaas oo uu ku khiyaameyay nidaamka ilaalinta.  sido kale waxyaabaha layaabka leh waxa kamida ee appkani lahaa inuu waydiisanayay ogolaanshiyo aan muhiim u ahayn telefonka sida inuu isticmaalo camera,biometic access. system alerts, package querying iyo awooda uu kaga joojin karo telefonku inuu lock galo waqtiga aanu qofku adeegsanayn. ogolaanshiyahaas oo dhamaan appska kale ee 2step verificationka ahi aanay lahayn una baahnayn,

appku waxa uu khatar ku yahay xogta qofka sida maaliyada, iyo attack yo kale oo uu qofka appka ladagay uu ku keenayo xitaa hadii marka lala dago ama la  download garayso aanla  isticmaalin. inkasta oo laga saaray appka google playstore, hadana waxa companyga helay kuwar galinayaan dadka appka download garaystay inay si dhakhsiyo ah uga saaran telefonkoda.

muuqa applicationku waaka kaaga muuqanaya halkan, hadii aad ka mid tahay dadka download garaystay fadlan ka saar telefonkaga appkan sida ugu dhakhsiyaha badan, hadii aanad ka mid ahayn la wadaag muuqalkan asxaabtada si hadii qof la dagay uu jiro uu uga saaro telefonkiisa.

Hadii aanad garanayn two step verification appska ah, waa apps muhiim u ah dhanka securityga internetka, daawo muuqalkena kaaga muuqanaya oo aynu u adeegsanayno facebook. Hadii aad ubaahan tahay reportga companyga viruska helay riix linkiga xaga hoose yaala ee muuqalka.

hadii aad ubaahan tahay companyga helay iyo reportgiisa riix linkigan: https://blog.pradeo.com/vultur-malware-dropper-google-play

Write a comment