Isbarbar dhiga Blogger iyo WordPress

Maqaalkani waxaan isbarbar dhig ugu sameyn doonaa labo kamid ah goobaha ugu caansan ee loogu talagalay abuurista iyo maareynta mareegaha (websites), sidaas daraadeed waxa jira farqi udhaxeeya labadaasi goobood anaga oo iska taagi doona waxay kasimanyihiin iyo waxa uu midba midka kale uga fiicanyahay markay timaado isticmaalkooda iyo qarash yaraantooda siguud.

Labadaas goobood waa Blogger iyo WordPress waana goobo ay aad ubadantahay isticmaalkooda waxaana ugu wacan in mareegaha caalamka kajira kalabar ay kusameysanyihiin labadaani goobood, tusaale wordpresska ayaa kudhisan websiteyada caalamka kajira 43% oo udhiganta ilaa 810milyan oo website , tani waxay natuseysaa muhiimada ay leeyihiin labadaani goobood.

WordPresska badanaa waxaa isticmaala shirkadaha waa weyn, goobaha waxbarasho ee onlineka kajira, goobaha ganacsi, hayadaha dowladeed iwm. halka bloggerka ay isticmaalaan dadka qoraayada ah, wariyaasha, mareegaha wararka ka faaqooda iwm.

1. Ownership and Hosting

Qodobkaan waxaan kaga hadli doonaa sida uu qofka ku hantiyi karo mareeg kadhisan mid kamid ah labadaan goobood iyo meesha umartigelineysa siijiritaanka mareegtiisa, si ay dadka ugu kala cadaado faraqa weyn ee u dhaxeeya labadaani goobood.

Blogger: Haidii aad isticmaaleysid blogger marna haka walwalin  martigelinta (hosting) mareegtaada sababtoo ah waxaa si 100% kafaala qaaday shirkada Google oo ah shirkada milkiyada goobtaani iskaleh, waxaa sidoo kale kaheleysaa dhamaan adeegyada ay bixiso shirkada google si aad kor ugu qaadid homarka mareegtaada sidaas oo ay tahay waxaa jira xadidaad cayiman oo ay ugu wacantahay in aad keliya sameysan kartid mareeg ka falanqoota maqaalada oo keliya taas macnaheedu waa in aadan kusoo talagaleynin in aad sameysatid mareeg xadiga xogta (data) ku jirta ay badantahay

WordPress: Hadii aad marba ku hamisid isticmaalka wordpress waa in aad usoo diyaar garowdaa in aad iska bixisid qarashka martigelinta mareegtaada, waxaana martigelinta mareegaha wordpress bixiya shirkado badan (hosting providers) waxayna kugusoo dalacayaan bishii qidmado kala duwan oo hadba waxay ku xirantahay qorshaha aad dooratid (plan), tani waxay ku siineysaa in aad si dhameystiran umaamushid mareegtaada oo aadan cidna ugu daba fadhiisanin.

2. Ease of Use

Markii lajooga isticmaalka blogger iyo wordpress waa ay ku kala duwanyihiin waxaana loo fiiraya sababo badan

Blogger: Markay timaado isticmaalka blogger waa mid aad ufudud oo  uu fahmi karo qof waliba waxaana ugu wacan in wajhadiisa hore (user interface) ay tahay mid aad loogaga shaqeeyay, qofka isticmaalaha ahneh waana in uu leeyahay aqoon yar oo kusaabsan isticmaalka internetka.

WordPress: Isticmaalka wordpress waa uu fududyahay balse wuxuu ubaahanyahay qofka in uu soobarto marka hore sida loo isticmaalo loona maamulo wordpresska, waxaa kale oo muhiim oo ay tahay qofka in uu barto wajhada shirkada uu ka kireystay hostingka siu u sifiican ula jaan qaado oo uu umaareesto mareegtiisa.

3. Customization

Markay timaado wax kabadalka mareegta waa ay kukala duwanyihiin bloggerka iyo wordpresska sidaas daraadeed qodobkaan wuxuu xooga saaraya kala saaristooda.

Blogger: Wax kabadalka bloggerka aad iyo aad ayay ukoobantahay keliya wuxuu leeyahay laba meel oo wax kabadal wajhada hore ah laga sameyn karo waana layout iyo add gadgets

WordPress: wordpresska waa mid wax kabadal balaaran lagu sameyn karo waxaana ugu wacan in aad ku isticmaali kartid plugins kala duwan oo awood kuu siinaya in aad wax kabadal muuqda ku sameysid mareegtaada, isticmaalka page builders kala duwan oo kaacaawinaya in aad kudhisatid mareeg wajhadeeda hore uu adiga kuu qaas yahay iwm.

4. Languages

Hadii aad tahay qof aqoon uleh luqadaha programminka waa ay kuu sahlantahay in aad sameysid templates, themes, plugins iwm adiga oo lacag kasameyn kara qaab ganacsi ahaan, balse  hadii aadan aqoon ulaheyn luqadaha programminka hawalwalin keliya u isticmaal mareegahaaga siquman adiga oo raacaya tilmaamaha ay kusiinayaan dadka aqoonta uleh.

Blogger: Blogger wuxuu wajhada (front-en) hore ee websiteka uu isticmaalaa HTML, CSS, JS, XML halka uu  PYTHON uu u isticmaalo back-end ahaan.

WordPress: wordpress wuxuu front-end u isticmaalaa HTML, CSS, JS halka uu PHP uu u isticmaalo back-end ahaan.

5. Monetization

Hadii aad isticmaaleysid mid kamid ah blogger ama wordpress waxaad ogaataa in aad kasameyn kartid lacag qaab online ah adiga oo juhdi badan bixinin

Blogger: Hadii aad isticmaaleysid blogger hal wado oo keliya ayaad lacag ugaga sameyn kartaa waana in aad mareegtaada ufurtid Google Adsense oo ah hanaan xayeysiin oo adiga kacag laguugu siinayo maadaama xayeysiin qaas ah lagasoo muujinayo mareegtaada.

WordPress: Hadii aad isticmaaleysid wordpress waxaa lacag ugaga sameyn kartaa qaabab kala duwan sida in aad ufuratid Google Adsense, in aid suuq ganacsi kadhex foratid, in aad goob waxbarasho kadhex furatid iyo in aad kudhax sameysatid Affilite marketing, runtii aad iyo aad ayuu uga fursado badanyahay bloggerka.

6. Flexibility

Qodobkaan waxaan kaga hadleynaa dabacsanaanta wordpress iyo blogger markii loo fiirsho qaab dhismeedkooda

Blogger: Ujeeda ugu weyn ee loo sameeyay blogger waa in keliya lagu sameesto blogging oo aah in aad sogelisid qormooyin gaagaaban, waxaana lagu sameeyaa static page oo ah code qoran oo template ahaan loo sameeyay oo aan ubaahneen wax wax kabadal (update)

WordPress: wordpress waa mid aad udabacsan oo dhankii loojeediya ujeedismayo tusaale wordpress waxaa lagu dhisi karaa nooce waliba oo website ah hanoqdo blogging, ecommerce, portfolio, e-learning iwm. waxaana waxaas oo idil usuurta gelinaya plugins oo ah codes qoran oo mareegta kusoo kordhinaya features iyo functionality.

7. Community and Support

Markii ay timaado dadka isticmaala iyo caawinaada aad heli kartid waa ay kukala duwanyihiin wordpress iyo blogger

Blogger: Dadyowga isticmaala blogger saaid ayay uyaryihiin taas oo kaadhigeysa in aad weysid caawinaad joogta ama videos tutorial ah oo horay looduubay si aad cilada ku heysata uxalisatid

WordPress: Dadyowga isticmaala wordpress saaid ayay ubadanyihiin sidaas daraadeed waxaa heli kartaa caawinaad joogta ah, muuqaallo horay looduubay oo kuu cilad bixin kara dhibkaaga, waana sababta kadhigtay in ay dad badan isticmaalaan wordpress.

8. Security

Amaanka labadaan goobood saaid ayay ukala duwanyihiin, markii lajoogo wordpress waa kid ugu badan ee aad kala kulmi Qatar amni oo sareysa.

Blogger: maadaama amaanka blogger ay horay ubalan qaaday shirka google waa in aadan ka walwalin amaanka mareegtaada keliya iska ilaali codeska qaldan ee aad ku dareysid mareegtaada taas oo kadhalan karta in car qaladeyn ama lasocosho lagu sameeyo mareegtaada.

WordPress: hadii aad isticmaashid wordpress waa in aad heegan buuxa kujirtaa marwaliba oo aad kashaqeysa nabad gelyada mareegtaada sababtoo ah pluginska kaladuwan, hosting aad isticmaaleysid waxay dhalin karaan qatar amni oo aadan ka warheyn, sidaas daraadeed mar waliba update ku sameey dhamaan waxyaabaha ay mareegtaada ka koobantahay si aad ugu baaqsatid dhib kusoo gaari lahaa.

9. Cost

Hadii aad maanta dhandid waxaa sameysanayaa mareeg blogger ama wordpress ah way kala duwantahay qarashka aad kutalagaleysid si aad yoolkaaga ugaartid.

Blogger: Sidaan horay usoo sheegnay blogger waa mid aad iyo aad raqiis u ah haday ugu badato waxaad ubaahan kartaa domain (custom domain) oo uu qarashkiisa iska yaryahay iyo template oo uu qiimahiisa yaryahay oo kaa caawinaya in ay mareegtaada noqoto mid calami ah oo latartanta mareegaha kale.

WordPress: Hadii is tiraahdid sameyso mareeg wordpress ah waxaa kusoo tala galeysaa qarashaad badan oo kala ah , domain, hosting, plugins, theme iyo qofkii kuu sameyn lahaa oo asneh qarash kaaraba intaas waxaa siidheer in qarashaadka aad bixineysid ay yihiin bile oo aysan ku ekeen markaa sameysatid mareegtaada keliya.

10. SEO (Search Engine Optimization)

Markay timaado in mareegtaada ay kasoo muuqato Google waa ay kukal duwanyihiin blogger iyo wordpress sababa jiro awgood

Blogger: mar waliba blogger waa mid xadidaadiisu ay badantahay ilamaa uu yahay ilaa xad mid bilaash ah sidaas daraadeed markii laga shaqeynayo kor uqaadista seo bloggerka waxay ubaahantahay waqti badan in aad gelisid iyo korjoogteen.

WordPress: wordpress waa seo-fiendly sababtoo ah adiga oo aysan waqti badan kaaga bixin ayaa waxaa soodagsaneysaa plugins qaabilsan sare uqaadista seo wordpress kabacdi mareegtaada waxay kasoo muuqaneysaa google si sahlan waana sababta ay dad badan udoor bidaan.

Write a comment