sidee telefoon android ah looga wareega oo loogu wareega telefoon iphone ah. sidee telefoon iphone ah xog loogu diraa

marar badan waxa aynu ku ilawna silent telefonkena, sida inaynu galino silent telefonkena waqtiga aynu salaada tukanayno ama seexanayno. hadaba articelkan maanta waa aan kugula wadaagi doona qaabka aad uga hortagi doonto inaad silent ku ilawdo telefonkaga, gaar ahaan telefoonada android.

hadaba ugu horayn waxa aynu ubaahan nahay application fudud ahna appka inaga caawinaaya inaynan telefonka silent ku ilaawin. appka magaciisa waxa la yidhaahda shush ring restorer. si aad appka u hesho riix linkigan ama magaca appka. marka aad appka lasoo dagto ku shub telefonkaga ama ku install gare telefonkaga. marka aad appka install garayso waxa kasoo muuqan doona qaybta appska telefonkaga appka.

kadib waxa aad ubaahan tahay inaad appka soo furto. marka aad appka soo furto si aad appka u adeegsatid. daaqad ayaa kuuso bixi doona u eeg mida sawirka hoose. kaliya waxa aad dooranaysa optionka ay ku qoran tahay sweet. maadama aanu appku ubaahnayn inaad wax ka badasho si aad u adeegsatid.

ed55741d c517 4805 a609 8bdd2619f8cc
qaabka uu uso muuqanayo marka aad soo furto appka

si aad u adeegsatid appka marka aad telefonkaga silent galinaysid waxa aad samaynaysa,

qaybta codka ee telefonkaga ayaad aadaysa, adigo taabaya badhamada codka ee telefonka kaga yaala dhinacyada ka codka kor looga qaado ama hoos looga dhigo,

kadib waxa aad codka gaynaysa xaga u hooseya, ama adigo aan codka hoos udhigin ayaad waxa aad taabanaysa iconka codka ee halka codka laga gaabiyo ama laga dheereyo,

kadib applicationka shush ayaa si automatic ah kuugu so baxaya, marka uu appku kuuso baxo, waxa kuuso muuqan doona daaqad lamida mida xaga hoose kaaga muuqata.

kadib qaybta goobada ah waxa aad ka dooranaysa inta daqiiqo ama saacadood ee aad ubaahan tahay in telefonkagu silent ku jiro, waxaana ugu yar 15 daqiiqo. qaybta hoose sawirka hoose iyadana kaaga muuqata waxa aad ka badali karaysa heerka codka telefonku ahaanayo marka telefonka laga saaro silentga. kadib marka aad dooratid labadaa waxa aad dooranaysa optionka ay ku qoran tahay shush.

intaas kadib appka ayaa si automatic ah uga furaaya telefoonka silentga marka waqtigaasi dhamaado. hadii aad ubaahato inaad silentga ka furto telefonkaga ka hor waqtigaas waxa aad uga furaysa sida caadiga ah ee looga furo telefonka.

sidee loo root gareeya telefoonada androidka ah: https://somalitech0.com/how-to-root-your-android-device-using-an-applition/

sidee loo adeegsadaa termux application: https://somalitech0.com/sidee-loo-adeegsadaa-termux/

sidee loo helaa macluumadka akoon instagram ah oo qof leeyahay: https://somalitech0.com/how-to-gather-instagram-account-information-using-termux/

One comment on “Never Forget On Your Phone Silent Again Ushing Shush!.”

Write a comment