Sida Loo Helo Courses Free ah, shahaado wata kana qiimo badan kuwa jaamacadaha

Sida Loo Helo Courses Free ah, shahaado wata kana qiimo badan kuwa jaamacadaha

sida caadiga ah courseska aynu naqaano waxa ugu qiimo badan kuwa jaamacaha madama ay wataan shahaadoyin qiimo sare leh oo aad ku shaqo tagi kartid. mid kamida waxyaabaha dadka qaar udiida inay bartaan courseska jaamacaha waa in ay ubaahan yihiin inad bixiso lacag lagu baranaayo courseka taasina waxa ay ka hor istaagta dhalin yaro badan inay dhigtaan courseska jaamacaha.

waxa jira hase ahaate courses ka qiimo badan kuwa jaamacadka bixiyan, dhanka shaqooyinkana shahaadoyinkodu ka qiimo badan yihiin kuwa jaamacadka, dhanka shaqooyinka shahaadoyinkodu uga fursad badan shahaadoyinka jaamacadaha kale, courseskasi waa kuwa ay bixiyaan shirkadaha waawayn si gaara shirkadaha dhanka technologyada ugu waawayn sida google, microsoft iyo kuwa lamidka ah,. waxa jira courses ay bixiyaan shirkadahas oo ku saabsan technologyada, mararka qaarna culuumta kale, waxa shirkadahaas ay ku bixiyan courseska shahaadoyin aad uqiimo badan o dhanka shaqooyinka fursad sare kuu siinaya inad ku guulaysato

waxa inta badan shirkadahas courseskodu ku saabsan yihiin iyagu adeegyada ay bixiyaan, hase ahaate mararka qaar waxa ay bixiyaan courses ka madax banaan adeegyada ay bixiyaan, waxa tusaale aynu usoo qaadan karna shirkada google oo maqaalkenan aynu arki doono courses badan oo si free ah ay ku bixinayso isla markaana ku saabsan xirfada tech support, digital marketing, cyber security iyo project managementga

waxa shirkada google oo maqaalkenan courses ay bixiso ku saabsan yihiin ay bixisa courses kala duwan, kuwo iib ah iyo kuwo free ah, waxa maqaalkan aynu ku eegi doona 4 course oo si free ah ay shirkada google ubixinayso, waxa lagu baranaya 3 course xirado kala duwan oo maqaalka dhexdiisa aad kaga boganayso. shirkadaha kale ee technologyada ugu waawayn iyaga laftarkodu waa ay bixiyaan courses kala duwan oo kuwa shirkada google oo kale ah balse maqaal kale ayaynu ku eegi doona.

waxa jira website ay shirkadaha waawayn iyo jaamacadkuba kuso gudbiyaan courseska, waana webiste-ka ay tahay arday kasta inu adeegsado si uu uga faaidaysto courseska free ah ee shirkadaha waawayn iyo jaamacadkuba soo galiyan. webiste-ka waxa la yidhaahda coursera, waana webiste-ka ay ku jiraan courseska shirkada google bixiso ee maqaalkan aynu ku eegi doona.

courseka 1aad: barashada xirfada digital marketingka

courseka 1aad ee shirkada google si free ah ku bixinayso waa course lagu baranaayo xirfada digital marketingka iyo ecommerce. waa course free ah isla markaana ardaygu marka uu dhameeyo uu ku guulaysanayo shahaado. waxa course-ka dhexdiisa uu ardaygu baranaya sida website-ka ecommerce ah loo dhiso, sida loo helo dad macaamil ah oo wax kaa iibsada iyo sida loo suuq geeyo alaabaha aad webiste-ka soo galinayso. waxa ardayga uu baranaya xirfada digital marketingka iyo hababka kala duwan ee loo suuq geeyo alaab.

course link: https://www.coursera.org/professional-certificates/google-digital-marketing-ecommerce

course 2aad: Barashada xirfada IT Support.

coursekan waxa lagu baranaya cilmiga IT-ga, si gaara xirfada technicalka ah ee cilmiga computerka. waxa course-kan dhexdiisa ardayga uu baranaya computer networking, networking devices sida routers, switechs. waxa uu course-kan ardayga baranaya sida goob ganacsi qaybteda IT-ga loo maamulo oo dhamaystirna. waa course baladhan oo ardayga barta uu ku shaqo tagi karo.

course link: https://www.coursera.org/professional-certificates/google-it-support

course 3aad: Barashada xirfada Cyber security

course-kan sida ka muuqata magacisa waxa lagu baranaya xirfada cyber security-ga. waxa lagu baranaya course-kan sida loo sugo amniga computer-ka iyo sida loo sugo amniga internetka ee organization ama urur. waxa lagu baranaya course-kan sido kale xirfada ethical hackingka waxyaabo kamida si aad ufahanto sida wax loo hack gareeyo, sida looga hortago in lagu hack gareeyo iyo sida loo sugo amniga organization dhamaystiran.

course link: https://www.coursera.org/professional-certificates/google-cybersecurity

kuwaasi waa 3 course ee aan kaso xulnay courseska shirkada google ay ku bixinayso si free ah, waa ay ka badan yihiin courseska si free ah ay ku bixinayso shirkada, waxa kamida courseska aynan halkan ku tilmaamincourse lagu baranaayo xirfada project planning and management-ga, course lagu baranaayo google adwords, iyo courses kale oo aad bogan ka helayso. waxa dhamaan courseska aad ku baran karta si free ah adigo shahaadana helaya course-ka marka aad casharadiisa gabagabaysid.

Write a comment