Sidee freelancer lagu noqdaa?

Qarnigaan aynu ku jirno wax waliba waa ay isbedeleen hanoqoto hab noolaashaha dadka, shaqada, waxbarashada iwm, waxaana ugu wacan hormarka xawliga ah ee ay sameyneyso tiknoolajiyada casriga ah, sidaas daraadeed maanta waxaa miiska inoo saaran mawduuc muhiim ah oo ku sabaasan sida aad shaqsi ahaantaada shaqo abuur usameysan kartid (freealncer) adiga oo kafaaideysanaya xirfadahaaga iyo aqoontaada inta aad dad kale shaqaale unoqon laheyd.

Noqoshada freelancer kuma xirna midabka aad leedahay iyo wadanka aad kasoo jeedid balse waxay ku saleysantahay kartidaada iyo hal abuurnimada aad leedahay oo lagu lamaaniyay daacadnimadaada iyo sida aad ugusoo bixi kartid howsha ay kuu igmadaan macaamiishaada kala joogta daafaha caalamka ama gudaha dalkaaga hooyo.

Goobaha ugu caansan ee aad uga shaqeysan kartid si freelancer ah:

Goobaha ugu caansan ee aad xirfadahaaga ugu shaqeysan kartid si xor ah waxaa kamid dhowr mareegood oo ay ku kulmaan macaamiisha iyo xirfadlayaasha ayaga oo halkaas isku dhaafsada waxyaabaha ay kala rabaan ayaga oo uu dhexeeye uyahay shirkada damaanad qaaday bixinta adeegyada freelancerka ah, taas macnaheedu waxaa weeye in macaamiilka iyo xirfadlaha habka ay isku dhaafsanayaan lacagaha iyo shaqada ay kor joogteen ku hayaan, ayaga oo mar waliba mudnaan siinaya qanaacada macaamiisha ku xiran mareegtooda iyo in aysan dhicin wax isdaba marin ah.

Mareegahaas waxaa kamid ah

1.Fiverr: https://www.fiverr.com/

2.Upwork: https://www.upwork.com/

3.Freelancer: https://www.freelancer.com/

Mid ogow freelancinku kuma eka keliya mareegahaan xitaa waxaad sameysan kartaa baro bulsho oo aad kusoo gudbin kartid adeegyada aad bixisid si aad ayadaneh macaamiil ugu kasbatid.

Xirfadahee ayaad ku shaqeysan kartaa:

Xirfadaha aad ku shaqeysan kartid waa ay kala duwan yihiin balse waxaa qasab ah in ay yihiin xirfado digital ah oo aadan ubaahneen in aad xarun shaqo aad uxaadirtid si aad ufulisid shaqadaas.

Xirfada aad kashaqeysan kartid waxaa kamid ah:

1-Digital Marketing

2-Graphic Design and Video Editing

3-Web Design and Development

4-App Development

5-Translation

6-Engineering Architecture

7-IT and Networking

8-Data Analysis iwm.

Faaidooyinka freelancenka:

1-Mar waliba matihid qof uu degdeg ku furanyahay si uu howl uqabto, taas cagsigeeda shaqada kuu taala waxaad qaban kartaa saacad waliba oo aad ubaahatid ayada oo aysan dhaafsaneen mudadii uu kuu qabtay macaamiilkaaga.

2-Mar waliba waxaad tahay qof shaqadiisa umadax banaan oo aysan gacan labaad amar siineynin waana sababta ugu badan ay dadka unoqdaan kuwo freelancers ah, si ay usameestaan shaqo ayaga xor u ah.

3-Mar waliba waxaad heysataa fursad aad ku sameysan kartid macaamiil kala duwan oo kala jooga dalka dibadiisa iyo gudihiisa si sumcadaada ay sare ugu kacdo

4-Waxaad ku shaqeyn kartaa meeshii aad rabtid hanoqoto gurigaaga ama goob aad adiga kireysatay taas macnaheedu waxaa weeye in aad ushaqeyn kartid macamiil jooga mareykanka adiga oo jooga dalkii hooyo adiga oo aanan meelna udhaqaaqin miyeysan aheyn fursad weyn.

5-Hadii ay sumcadaada siyaado waxaa hubaal ah in ay kusoo gali doonaan lacago fara badan oo aadan heli laheyn hadii aad noqon laheyd shaqaale caadi ah iwm.

Faiido darada freelancenka:

1-Waxaa laga yaabaa in shaqooyinka aad qabatid aad uweysid macaamiil joogta ah taas oo kugu sababi karta dhaqaale yari iyo niyad jab

2-In aad dadka ku qancisid xirfadaha aad taqaanid in aad qaban kartid waqti ayay kugu qaadaneysaa sida caadiga balse hadii aad tahay qof shaqo udiyaar ah kuma niyad jebineyso qancinta iyo suuqgeynta xirfadaada

3-Tartan xoogaan oo dhanka suuqa ah ayaad wajaheysaa maadaama aad tahay freelancer cusub taas macnaheedu waxaa weeye freelancerskii kaa horeeyay ayaa qaadanaya sedkaagii, ayada oo ay ugu wacan tahay in shaqsiyaadkaasi ay sii dhisteen sumcad suuqa shaqada ah oo adiga kaa sareysa iwm.

Write a comment