Sidee lagu ogaadaa websiteyada halista ah

Lagasoo bilaawo 1991 oo ku beegan casrigii uu bilawday isticmaalka mareegaha internetka ee ka jira daafaha aduunka, ilaa haatan waxaa jira caqabado aan weli xal sax ah loo helin oo ay kow katahay amaanka soobooqadayaasha mareegaha kala duwan ee  kajira caalamka si loo helo kalsooni ay balaayiin qof ku qabi karaan mareegahaas.

Taas cagsigeeda sanadba sanadka ka danbeeya waxaa sara ukac sameeya budhcadnimada kadhex dhacda mareegaha internetka kajira ayada oo soobooqadayaasha ku xiran lakulmaan dhicitaano kala duwan sida in laga dhaco xogaha kaararkooda bankiga, in xogaha kujira computeradooda ladhaco ama loo badalo kuwa aan shaqeyneynin iyo in qaab burcadeesan looga dhaco lacago aad ufara badan.

Sidaas daraadeed waxaa maqaalkaani xooga kusaari doonaa sida aad ku ogaan kartid mareegaha ay leeyihiin dadka burcadka ah kuwaas oo halis gelin kara amaanka computerkaaga iyo xogahaaga shaqsiga.

Waxaan tusaaleynta iyo hagistaba u isticmaali doonaa mareegteena Somali Tech https://somalitech0.com/

1.Check HTTPS in the URL

Mareegaha internetka ee amaanka ah waxaa lagu gartaa in uu linkiga mareegtooda uu ka bilawdo “HTTPS” oo ah protocol amaan ah kaas oo browserka aad istcmaaleysid iyo mareegtat aad booqatay xogahooda ay isku dhaafsanayaan qaab encrypted ah oo amaan ah, taas cagsideega waxaa jiro mareego isticmaala “HTTP” oo ah protocol ay isticmaalaan dadka tuugada ah si aanan wax tix raac ah oo danbe  loogu sameynin, marka waa in aad kataxadrtaa qataraha kaaga imaan kara mareegaha internetka ka jira.

2.SSL Certficate

Mareegtu waa in ay leedahay shahaadada “SSL Certficate” loo yaqaano sababtoo ah shahaadadani waxay cadeyneysaa inta leysku haleyn karo amaanka mareegta aad ku jirto, balse mareegaha aad booqatid hadii aysan laheyn ssl certificate waxaad halis ugu jirtaa in lagaa lunsado xogo badan oo muhiim kuu ah, sidaas daraadeed mar waliba oo aad gashid mareeg iskahubi in ay heysato shahaadada ssl iyo inkale.

3.Use website safety checker

Isticmaal toolska lagu ogaado mareegaha qatarta badan sida Virustotal oo ah mareeg kuu sheegi karta waxyabaaha halista ah ee kuhoos duugaan mareegaha internetka waana tool bilaash ah oo kuu qabanaya shaqo aad uweyn keliya linkiga mareegta ayaad gelineysaa kabacdi wuxuu kusiinayaa xogta mareegta oo dhameystiran, hada hadii aad eegtid mareegteena Somali tech wax qatar ah kama maleysan kartid oo waa amaan

Link: https://www.virustotal.com/gui/home/url

4.Malicious Redirects

Mareegaha ay leeyhihiin burcada waxaad ku ogaan kartaa markii aad gashid in ay kugusii xiraan mareeg kale (redirect) hadii aad taas ku aragtid mareeg aad booqatay ka jog oo mar danbe ha booqanin si aad ugu baaqsatid dhibaato kugu imaan laheyd.

5.Check Domain Name

Iskah hubi xogta mareegta gaara ahaan domainkooda si aad u ogaatid xogo dheeraad ah oo ay kamid tahay xiligii la abuuray mareegta, serverska ay isticmaalaan, shirkada ay ka iibsadeen domainka iwm, si aad iska hubisid isticmaal mareegta magaceedu yahay whois domaintools oo ah mareeg free ah oo aad ku baari kartid xogta lahaanshaha mareegaha.

Link: https://whois.domaintools.com/

6.Update Browser

Mar kasta waa in aad update kareysaa web bowserka aad isticmaleysid si bad qabka computerkaaga iyo dhowrsanaanta xogtaada shaqsiga ay unoqoto mid aan laheli karin oo ku jirta gacan amaan ah.

Faaidooyinka aad lakulmi kartid

1-Xogtaada ayaa noqon doonta mid dhowran oo aysan heynin gacan labaad

2-kalsoonida aad ku qabtid mareegaha aad booqatid oo sare ukac kugu sameyn doonta

3-in ay yaraato qataraha amni ee uu wajahayo computerkaaga sida (Viruska, Malwareska iwm)

Write a comment