qormadeenan maanta waxa aynu ku wadaagaysa qaabka loo ogaado passwordka wifiga aad ku adeegsanayso computerkakaga hada, ama wifi aad hore u adeegsatay balse aanad hada adeegsanayn,. waxa jirta 2 siyaabod oo lagu ogado wifiga passwordkiisa aad adeegsatay, mid kamida waxa ay ku kooban tahay wifi aad marka adeegsanaysid kaliya, kuma shaqaynayso wifi aad hore u adeegsatay, mida labaad waa ta aynu baran doono oo waxa aynu ku ogaanayna wifi aynu hada adeegsanayno iyo mid aynu hore u adeegsanay. hadaba qaabkan uraac si aad u ogaato passwordka wifiga.

talabada koobad waxa aad aadaysa computerkaga start menu giisa kadib ka raadi cmd ama command promt

kadib marka command prompt kuso furanto waxa aad hada raadinaysa dhamaan wifiyada aad hore ugu so adeegsatay computerkaaga si aad taas usamaysid waxa aad galinaysa commandkan ama amarkan command promptgia. netsh wlan show profiles, sida sawirka hoose ka muuqata

waxa kuuso bixi doona dhamaan wifiyada ku kaydsan computerkaaga ee aad hore uguso adeegsatay computerkaaga, intaas kadib waxa aad samaynaysa inaad raadisid magaca wifiga aad ubaahan tahay inaad passwordkiisa ogaatid sida sawirka sare ka muuqata, marka aad hesho, kadib hada waxa aynu marayna qaabki aynu ku ogaan lahen wifigas passwordkiisa, si aynu u ogaano waxa aynu markale qorayna command ama amar kale, waxa ad ku qoraysan markana, nesh walan show profile (magacaga wifiga) key=clear hadii aanad qoraalka si fiican u fahmin ka dheeho sawirka hoose qaabka loo qoraayo,

intaas kadib computerku hada waxa uu ina tusayaa passwordka wifigi aynu magaciisa usoo tilmaamnay iyo macluumadka kale ee wifiga kusaabsan, maadama muhiimada qormadeenani ahayd kaliya qaabka loo ogaanayo wifiga passwordkiisa, kama hadli doono waxyaabaha kale ee computerku ina tusi doono,

sida inooga muuqata sawirka sare computerku waxa uu ina tusay waxyaabo badan oo ku saabsan wifiga, intooda badan way qarsoon yihiin, balse hadaad eegto qaybta ay ku qoran tahay key content oo ah furaha ama passwordka wifiga waxa inooga muuqda wifigi aynu radinaynay passwordkiisa, sido kale dhanka sare ee sawirka ee ay ku qoran tahay SSD NAME waxa inooga muuqda wifigi aynu raadinaynay magaciisa, hadaba qaabkas fudud ayaad u ogan karta wifiga passworkiisa, waxaana tan aad u adeegsan kartaa dhamaan noocyada windows os ee aynu adeegsano, windows 7/8,8.1,10,11

mahadsanidiin, intaas ayaynu kaga boganay qormadeena maanta, inta midan xigta aynu ku kulmi

Write a comment