sidee nmap loogu adeegsada telefonka, sidee loo ogaada qalabada kugula xidhan networkga, sidee loo ogaata targetkaga aad rabto inad hack garayso, sidee android ethical hacking loo bartaa

Qormadaan waxa aad ku baran doonta qaabka loogu duubto termux nmap, waxa uu yahay nmap iyo sidi aad u adeegsan lahayd nmap iyo tusalooyin adeegsiga toolkan ah. Toolkan waa mid kamida kuwa ugu wanaagsan ee network securityga iyo sido kale ethical hackingkaba loo adeegsado, hadii aad rabto inaad noqoto cyber security waa khasab inaad toolkan taqaanid adeegsigiisa.

  1. Waa maxay nmap?

Nmap waxa laga soo gaabiyay network mapper. Waana tool open source ah isla markaana kuu ogolaanaya inaad scan ku samaysid network ogaatid qalabada ku xidhan network gaas aad adiguna ku xidhan tahay sida telefoonada, computerada, IOT deviceska kale. Aidgo adeegsanaaya toolkan waxa aad heli karaysa macluumad ku saabsan qalabada ku xidhan telefoonka sida haday yihin telefoono magaca telefoonka android iyo iphone, adeegyada uu telefonku ku xidhan yahay, portyada furan telefoonka, haduu computer yahayna macluumad intan kaba sii badan. Haduu yahay website waxa aad ku scan garaynaysid nmap waxa aad helaysa macluumad xitaa inbadan kasii badan sida serverka uu yaalo websiteku iyo waxyaabo kale.

  • Sidee nmap loogu duuba termux?
  1. Si aynu ugu duubno nmap termux talaabada 1aad waxa ay noqonnaysa horta inaynu termux hagaajino oo update iyo upgrade ku samayno. Si aynu ugu samayno waxa aynu isticmaali doona commandka sawirkeedu xaga hose kaaga muuqdo.
cusboonaysii termux
  • Sidee loogu duuba nmap termux.?

Maadama aynu hada soo diyaarsanay termux oo update & upgrade kusoo samaynay, hada waxa aynu ubaahan nahay inaynu ku duubno nmap termux. Si aynu ugu duubno waxa aynu adeegsanayna commandka xaga hoose ka muuqata, waxa aanad ugu qoraysa sida ay kuugu muuqato termux dhexdeeda.

               Sidee loo adeegsadaa termux

  1. Sidee loogu scan gareeya termux telefoonada,computerada iyo qalabada kale ee kugula xidhan networka?

Hadii aad ubaahan tahay inaad ku scan garaysid termux qalabada kula xidhan networkga telefonkaga waxa aad ubaahan tahay inaad adeegsatid commandka hoose, waxa

sidee loogu duuban nmap termux.

Kadib waxa uu kutusi doona nmap macluumad badan oo ku saabsan qalabada networkga kugula xidhan sida inta qalab ee kugula xidhan networkga, portyada furan, adeegyada isticmaalaya portyada iyo macluumad kale oo xiiso badan.

  • Sidee hal mar oo scan ah loogu ogaada macluumad badan oo ku saabsan qalabada kugula xidhan networkga.

Farsamadan nmap ah waxa aad arkaysa macluumad badan oo kusaabsan, balse inta macluumadku leeegyihiin waxa ay ku xidhan tahay qalabada ku xidhan networkga ee uu scan garaynaayo nmap, waxaana tusaale aynu usoo qaadanay midka sawirka hoose kaaga muuqanaya.

networkgaga sida loo scan gareeyo
ouputka scankena

Sida aynu aragno waa webserver. Macluumadka aynu aragnay waxa kamida, portyada furan webserverka iyo portyada xidhan, adeegyada ka furan portyada webserverka iyo xitaa urlkooda.

  • Sidee loo scan gareeya hal port dhamaan qalabada networkga kugula xidhan?

Hadii aad rabto inaad scan garaysid hal port oo aad kabaadhid in portgaasi furan yahay dhamaan qalabada kugula xidhan networkga iyo in aanu furnayn  waxa aad adeegsan kartaa commandka hoose.

port scan nmap ah
outputka portscanka

Sida aynu aragno waxa inooso baxay qalabada kuxidhan networkga, qalab kasta ip addresskiisa iyo portgi aynu rabnay inuu furan yahay iyo inuu xidhan yahay

  • Sidee loo sameeya quick scan(scan dhakhsiyo ah)

Si aad usamaysid scan dhakhsiyo ah waxa aad adeegsanaysa commandka hoose. Micnaha commandka waa xarafka F oo sheegaya in 100 port ee ugu caansan ama ugu adeegsiga badan uu eego qalab kasta scan ku sameeyana kaliya 100 port. Commandkuna waata kaaga muuqata xaga hoose.

scan dhakhsiyo ah(quick scan)

Conclusion

Nmap waa mid kamida toolasha ugu muhiimsan network security iyo ethical hackingka. Articlekan kumaynan so gudbin waxkasta oo ku saabsan maadama toolkan aan article iyo wax kamida lagu soo koobi karayn. Balse in fure ah ayay article kan inoo noqon karaysa.  Waxa aad toolkan u isticmaali karaysa network scanningka, website scanningak, waxa aanad helaysa macluumad aad utiro badan oo kusaabsan marba waxa aad scanka ku samaynaysid.

halkan kala dag termux app https://termux.com/

linkiga tooka nmap waakan: https://nmap.org/

2 comment on “HOW TO INSTALL AND USE NMAP IN TERMUX”

Write a comment