HOW TO TRANSFER SOMALI TEXT INTO AFSOMALI VOICE | NEW METHOD

sida qoraal loogu badalo cod maaha mid cusub hada, in badanba waxa jiray apps iyo adeegyo kale oo tiro badanba kuwaas oo qoraal ubadal cod ama cod ubadala qoraal, balse mida jirtayba waxa ay ahayd inaan luuqada afsomaligu ahayn mid iyadu ka mida luuqadaha ku diyaarka ah appskas iyo adeegyadaas kale ee internetka,

nasiib wanaag hada shirkada microsoft ayaa luuqadan kusoo dartay adeegyadeda sida microsoft edge, hadaba si aad adeegan u adeegsatid gaar ahaan telefoon ama computer waxa aa ubaahan tahay inaad lasoo dagtid browserka microsoft edge, computerka uu ku jiro windows browserkani waa uu ku jiraa oo uma baahna inuu lasoo dago.

si aad ugu adeegsatid telefoon android ama iphone ah booqo playstore ama appstore, kadib ka raadi microsoft edge, sida sawirada hoose kaaga muuqata

iphone
android

kadib install dooro. intaas kadib browserku telefonkaga ayuu ku install garoobaya, intaas kadib browserka soo fur kadibna tag pageka aad rabto inuu kuu akhriyo sida sawirka hoose ka muuqata.

kadib dooro optionka sadexda dhibcood ah ee qaybta hoose ee sawirka kaaga muuqanaya, kadibna hoos udag ilaa ay kuu muuqdaan dhamaan waxyaabaha ku jira optiokaasi

dooro optionka hoose ee ay ku qoran tahay Read Aloud

kadib marka aad dooratid read aloud waxa kuuso baxaysa daaqad yar oo xaga sare ee pageka ka furmaysa isla markaana adeegi kuu akhriyay qoraalka ah sida ka muuqata sawirka hoose

kadib dooro meesha calaamadsan si aad u badasho luuqada uu adeegu ku akhriyayo qoraalka pageka

marka aad dooratid optionka kuu calaamadsan waxa kuuso baxaysa daaqad u eeg mida sawirka hoose taas oo aad ka badalysid iyadana luuqadi aad rabtay.

kadib dooro calaamada voice si aad ubadasho luuqada

dooro optionka voice si aad ubadasho luuqada. kadib marka aad dooratid ku qor qaybta raadinta ee daaqada kuuso baxaysa somali

kadib marka aad raadisid somali, waxa kuuso baxaaya luuqada somali, iyo sido kale luuqada oo qofki codka lahaa, tusaale ahaan somali ayaa kuuso baxay, waxaana ku qoran ubax oo ah qofta dumarka ah ee leh codka afsomaliga ah ee aad maqli doonto, intaas kadib dooro done dibna uga soo noqo. kadibna waxa aad imanaysa qaybti hore sida sawirka kaaga muuqata si uu kuugu akhriyo barnaamijku pageka dooro calamada videoga la furo. sida sawirka hoose ka muuqata.

dooro optionka ku calaamadsan

intaas kadib adeegu waa uu kuu akhrinaya boga isago ku akhriyaaya luuqada aad dooratay haday tahay luuqada pageku ku qoran yahay. mahadsanidiin

sido kale si qoraalada kuugu kaydsan telefonkaga iyo computerkaaga adeegani kuugu akhriyo aad boga adeegan oo ah, https://readtextaloud.com

One comment on “HOW TO TRANSFER SOMALI TEXT INTO AFSOMALI VOICE | NEW METHOD”

Write a comment