Sidee sawiro AI loogu sameeyaa (Gencraft AI)

Waayadaan danbe waxaa soo batay garaadka macamlka ah (AI) kaas oo qabanaya shaqooyin aysan qaban karin aadanaha badankooda, sidoo kale wuxuu booska kala baxay kumanaan shaqaalayaal ah oo kukala noolaa daafaha dunida ayada oo ay ugu wacan tahay aqoonta iyo xirfada AI oo aad usareyda una suurta gelin karta shirkadaha qaar in ay ku gaaraan hadafyadood sifudud oo weliba qarash yar.

Sidaas daraadeed maanta waxaan xooga saari doonaa sida loo sameeyo sawir kaas oo uu hindisay garaadka macmalka ah, keliya waxaa rabitaanka ku gudbineysaa qaab qoraaleed kooban oo uu fahmi karo garaadka macmalka si uu si deg deg ah jawaab kusoo siiyo weliba asiga oo kuu sawirada sawirkii aad suuraysatay.

Mareegaha adeegyadaas bixiya waxaa kamid gencraft oo caan ka ah dunida lana tartama garaadyada macamlka ah ee dunida kajira sida Midjourney, wuxuuna mid journey uga duwan yahay wuxuu ku siinayaa jaanisyo maalinle ah oo aad ku sameyn kartid shan sawir asiga oo aanan wax lacag ah kuweydiineynin

Qaabka loo isticmaalo (Gencraft AI)

Hadii aad rabtid in aad gencraft aad isticmaashid waa in aad raacdaa tilaabooyinkaan soo socda weliba si taxadar leh.

1.Raadinta Mareegta

Si aad ubooqatid mareegta waa in aad ku qortaa googleka “Gencraft AI” kabacdi wuxuu kaagasoo muuqan doonaa safka ugu horeeya ee kudhufo si aad gudaha ugu gashid.

2.Login

Markaad gudaha usoo gashid mareegta waa in aad iska diiwaangelisaa adiga oo raaxiya bottonka ay ku qorantahay “Login” oo ay macnaheedu tahay kusoobiir mareegta

Kagadaal markaad Login ku dhufatid waa in aad goaansataa habka aad ugu biireysid mareegta, waana in aad kala dooratid in aad kugashid googlekaaga ama facebookaaga, mida ugu sahlaneh waa in aad ku isticmaashid googlekaaga.

3.Canvas

Markaad ku biirtid mareegta waxaa kuu xigi doona in aad aragtid wajhadaan hore haku wareerin mid waliba micno ayay utaagantahay waana in marka ugu horeyso aad heysatid 5 iskuday oo aad ku sameyn kartid sawir adiga oo isticmaalaya garaadkaas macmalka ah, marka labaad waa in aad fahantaa goobta lagu qorayo qoraalka si aad uweydiisatid garaadka macmalka ah in uu sawir kuu sameeyo waana meesha cad ee sabuurada u eg, marka sedaxaad sabuuradaas hoosteed waxaa ka dooraneysaa qaabka uu sawirka kuugu muuqan doono badanaa no style ama realistic ayaa la isticmaalaa, marka ugu danbeysa markii aad qoraalkii aad qortay aad udooratay nooca aad urabta waa in aad kudhufataa buttonka hoose eek u qorantahay “Generate” si dalabkaaga loo texgeliyo natiijadaneh farta lagaaga saaro.

4.Example

Tusale sidaad hadertaan ujeedid waxaan isticmaalnay amar kaas oo loo yaqaano prompt oo ah qaabka uu nagu fahmi karo garaadka macmalka ah kabacdi waa in aan kudhufanaa generate si ay howsha aan qabanay udhameyno si ay natiijadu inoosoo gaarto.

Prompt aan isticmaalnay: “A Somali woman wearing a white hijab and sitting down while using a computer on a white table and a white background of full image”

5.Result

Natiijadii waa ay soobaxday sidaad ujeedid waxaa horteena lasoo dhigay labo hablood oo soomaali u eg muuqaal ahaana waana inta aan rabnay, intaas waxaa dheer in labada falaarood aad u isticmaali kartid sidaad ugaari laheyd sawirka xiga, intaas kabacdi markii aad goaansatid oo aad ku qanacdid sawirka waa in aad sawirkaas korkiisa ku dhufataa si ay kugusoo muuqato button ay ku qorantahay “Download”

Kagadaal markii aan sawirka dushiisa ku dhufanay waxaa inoosoo baxay buttonkii downloadka ahaa ee aan horay idinkusoo sheegay kabacdi kudhufo sidaas ayuu sawirka kuugu dagayaa

Kabcdi markii uu sawirka kuu dago wuxuu kuu galayaa qeybta downloadska halkaas ayaadna ka eegeydaa, hadertaan waxaad ujeedaa sawirkii aan soodagsanay.

Write a comment