5 Website oo aad ka helayso Hosting Free ah oo wordpress website aad dhigato

marka la joogo website wordpress ah inad internetka dhigato waxa jira 2 shay oo muhiima oo website-kaga ubaahan yahay, waxa ay yihiin labada shay domain name iyo hosting. domainka waxa uu website-kaga ka caawinaya in lasoo booqan karo website, waa ciwaan ku hagaya dadka marka ay galiyaan internetka website-kaga. hostingkuna waxa weeye goobta la dhigayo website-kaga fileshisa ama computerka internetka ku xidhan ee filesha websitekaga haynaya weeye. sida aynu naqaano inta badan waxa jira qarash lacagah oo lagu bixiyo domainka iyo hostingka marka la rabo website in interentka lasoo galiyo.

maadama aynu hada fahansan nahay hostingka iyo domainka waxa ay yihiin iyo in website-kasta ubaahan yahay si uu unoqdo mid internetka laga heli karo waxa aynu hada ugudbayna bal inay suuro gal tahay in la heli karo hosting free ah. badanka boqolkiba 95% company-ada bixiya adeegyada hostingka iyo domainka waa qaar ubaahan inad lacag bixiso si ay kuu siyan hostingka ama domainka ad ubaahan tahay. sababta ay uyihiin kuwo lacag ahina waa maadama qarash ku baxo companyada ku siinaya hostingka ama domainka.

hadaba waxa jira company-ada qaar bixiya hosting free ah kaas oo aad dhigan karto website wordpress ah, waxa maqaalkenan aynu eegi doona qaar kamida company-adas. ka hor inta aynan ugudbin compnay-ada bixiya adeegyadas aynu isyar barbar dhigno companyada bixiyo adeegyada lacagta ah iyo company-ada bixinaya adeegyadan free-ga ah. marka la joogo tayada waxa wanaagsan 100% company-ada bixiya hostingka iibka ah ama lacagta ah, waxana jira meelo xadidan oo ay leeyihin company-ada bixiya hostingka free-ga ah. sidas awgeed qofkasta oo heli kara qarash uu ku bixin karo hosting waxa 100% wanaagsan inu aado company-ada bixiya hostingka iibka ah. balse qofka aan awoodin qarash uu ku bixiyo , sido kale raba website kooban inu so galiyo internetka, isla markaana heli karaya dad yar oo soo booqda waa uu tijaabin kara company-da bixiya hostingka free-ga ah

1. Hostinger Free Hosting (000webhost)

website-ka 1aad ee laga helo hosting free ah waa website loo yaqaano 000webhost, waxa iska leh company-gan compnay bixiya hosting iib ah oo la yidhaahdo hostinger. webiste-kan waxa uu bixinaya hosting free ah oo ay la socdan adeegyada aad ubaahan tahay marka aad rabto inad website ku host garayso. waxa website-kan aad ku host garayn karta website wordpress ah waxana aad ka helaysa waxkasta oo aad ubaahan tahay si aad u host garayso website.

waxa kaliya soo xadidaya adeega website-kan ayaa ah in websiteka aad dhigta hadu helo dad badan oo soo booqda ay hawada ka saarayan website-ka aad dhigato, maadama loogu talo galay in lagu host gareeyo website-kan website helaaya dad soo booqda oo yar.

adeegyada aad ka helayso website-ka mark aad website dhigayso waa kuwan:

  • waxa kaliya aad dhigi karta ama ku host garayn karta website-kan 2 website oo kaliya
  • bog dashboard ah oo aad ka maamuli karto webiste-kaga
  • si fudud ayad ugu duubi karta wordpress
  • waxa aad uhaysata ogolansho website-ka databasekisa iyo ftp-ga
  • 1 GB oo storage ah
  • 3 GB oo bandwidth
  • waxa aad helaysa website builder free ah

2. Byet.host

company-gan waa company jira hada ilaa 10 sano, waana mid kamida company-ada adeegoda hosting-ka freega ahi ugu wanaagsan yahay. waxa ay bixinayan adeegan

  • kayd aan xadidnayn ayay bixinayan dhanka filesha, balse halka file cabirkisu inanu ka waynan ayay leeyihin 10MB
  • bandwidth ama soo booqasho aan xadidnayn
  • subdomain ama domain kuu gaara ayad u isticmaali karta website-kaga
  • si fudud ayaad wordpress ugu shubi karta
  • waxa aad helaysa vista panel
  • waxa aad dhigan karta email
  • waxa aad u haysata ogolaansho dhamaystiran server-ka iyo fpt-ga website-kaga
  • MySQL databases aan xadidinayn ayad samayn karta

3. AwardSpace

award space waa website kale oo aad ka helayso hosting free ah oo aad dhigan karto website wordpress ah. waxa websitekan aad dhigan karta website bishi heli karaya ilaa 5000 oo soo booqdayal ah. waxa inta kadib ay ugu talo galeen inad hsotingka kiraysato si ay kugu kordhiyaan dadka soo booqanaya website-kaga. waxa bishi loogu talo galay inad bixin karto 0.19$.

adeegyada uu bixinayo website-kan

  • waxa aad dhigan karta website-kan ilaa 4 website
  • si fudud ayaad ugu shubi karaysa wordpress
  • waxa aad isticmaali karta domain aad iibsatay oo kuu gaara ama subdomains 3 ah
  • waxa ay ku siinayan control panel kuu gaara
  • waxa ay ku siinaya online file manager
  • waxa ay kaa caawinayan dhanka mysql databaseska
  • waxa aad dhigan karaysa email
  • 1 GB storage
  • 5 GB bandwidth

4. x10Hosting

x10 hosting waa website isticmaalaya cloudka oo xogtada oo dhan ku kaydinaya cloudka. halka website-yada kale ee bixinaya hosting-ka freega ahi ay isticmaalayan hal server oo xogta oo dhami ku jirayso, x10 hosting waxa uu isticmaalaya isagu cloudka.

adeegyada uu bixinayo website-kani

  • xogta website-kaga oo dhan waxa lagugu kaydinaya cloudka
  • bandwidth aan xadidnayn
  • 512 MB oo kayda
  • waxa aad isticmaali karta sub domain ama domain adiga kuu gaara oo aad iibsatay
  • waxa aad u haysata ogolanasho dhamaystiran serverka
  • si fudud ayaad wordpress ugu shubi karaysa

5. InfinityFree

infinity free waa website ay leeyihin company la yidhaahdo fastnet oo leh sido kale webiste aynu hore utilmaamnay oo la ydihaahdo byet. waxa website-kani bixinaya adeegyo aad ubadan oo aanu jirin website kale oo bixinaya.

adeegyada uu bixinayo website-kani

  • storage aan xadidnayn. balse halka file cabirkisu waa inanu ka waynan 10MB
  • bandwidth aan xadidnayn (balse maalinki ku eeg 50,000 oo soo booqde)
  • si fudud aya loogu shubi kara wordpress
  • waxa aad u isticmaali karta domain aad iibsatay oo ku gaara ama waxa aad isticmali karta subdomainka ay bixinayan
  • 10 email accounts
  • 400 MySQL databases
  • PHP 7.3 support
  • Cloudflare CDN
  • SSL certificate

waa ay ka badan yihiin website-yada bixiya hostingka free-ga ahi inaha aynu tilmaamnay, balse inaha aynu tilmaamnay waa 5 ugu wanaagsan ee laga heli karo internetka wakhtiga maqaalkan aynu qorayno.

Write a comment