Hadii aad ubaahan tahay inad waqtigaaga qorshe usamaysid si aad hawlahaga qaab qorshaysan uraacdid applicationadan waqti qorshaynta ah ee telefoonadu waxa ay kuu noqon karaan muhiim.

Waxa aad ku qoran kartaa hawl maalmedkaga ama hawl maalmedyadada waraaq kadibna aad u adeegsa kartaa inaad ku xasuusato iyo inaad ku ogato hadhow wixi aad qabatay iyo wixi kale, balse inta badan waraaquhu maaha qaar meelwalba aynu uqaadan karno ama waxa macquula inay kaaba lumi karaan ama aad ilaawi karto, balse midaas cagsigeeda waxa aynu aad meel walba ugu qaadana inagana hadhin waa telefoonkena taasina waxa ay muhiim ka dhigaysa inaynu u adeegsano telefoonkena qorshaynta hawl maalmedyadeena.

Hadii aad tahay arday,macalin ama qof raba inuu waqtigiisa iyo hawl maalmedkisa qorsheeyo si wanaagsan halkan waxa aad kugula wadaagaya qaar kamida appska aad u adeegsanaysid inaad ku qorshaysid waqtigaaga iyo hawl maalmedkaga si wanaagsan. sidee loo samaystaa timetable.

MY Study Life

Mystudy life  waa appka ugu wanaagsan ee hawl lagu waqtiyeeyo ee uu ubaahan yahay qof arday ah. Waxa aad appkan u adeegsan kartaa xiisaha schoolka ama jaamacada inaad waqti u samayso, imtixaanadka. Waxa aad kayd ka qaadanaysa qaabka aad xiisadaha iyo waqtiyada ugu qorshysay aad telefoon kale ama hadii appku kaa xumado aad dib ugu adeegsan kartid. Waxa aad u adeegsan kartaa goobo kala duwan oo aad wax ka baratid. Mida gaarka ah ee muhiimka appkan ka dhigaysa waxa weeye waa free sido kale malaha xayaysiis ama ads waxa afka qalaad lagu yidhaahdo

Halkan kala dag appka : My Study Life (Free)

2. Timetable

Appkan waa mid si fudud aad u adeegsan kartid, waxa uu ku ogolaanaya inaad samaysatid waxyaabo aad wiigi mar ama labo aad ubaahan tahay inaad samaysid, waxyaabo aad samaynaysid maalin walba ama hawlahaaga maalin laha ah, inad imtixaanad ama fasaxyo aad leedahay aad ku diiwan gashan kartid iyo sido kale qaab sanad waxbarasheed inaad u adeegsan kartid.

Appkan waxa uu leeyahay qayb iib ah, balse si aad u adeegsatid uma baahnid qaybta iibka ah inaad iibsatid. Waxyaabaha uu appku kuu ogolaanayo waa in uu ku xasuusiyo waqtiyada hawlahaaga aad ugu talo gashay inaad qabatid.

halkan kala dag appka: Timetable (Free)

3. Class timetable

Class timetable waa application si wanaagsan waxa aad rabto kuugu hagaya. Waxa aad ku diiwan gashan kartaa goobo badan oo aad wax ka baratid, sido kale waxa aad ku samaysan kartaa waxyaabo wiigi aad waqtiyo kooban ubaahan tahay inaad samaysatid, waxyaabo maalin le aad usamaysid, sido kale waxa aad badali kartaa midabka farta ama qaabka ay umuuqanayan waxyaabaha ad samaysanayso,  waxa aad usamaysan kartaa waxyaabo sharaxaad ah oo hadii mudo kadib aad kuso noqoto aad kaga bogan karto waxyaabaha aad samaysatay sababta aad usamaysatay.

Waxa jirta daaqad aad hawl maalmedkaga iyo hadii aad arday tahay aad imtixaanadkaga ka maamulaysid sido kale waxa uu leeyahay inuu ku xasuusiyo appku waqtiyada aad hawlahaga ugu talo gashay inaad qabato, inaad kayd ka reeban karto gaar ah,iwm. Appkan waxa uu leeyahay qayb iib ah balse qaybtiisa freega ah ayaa kaaga filan inaad waqti qorshayn fudud ku samaysatid

Halkan kala dag appka: Class Timetable (Free, in-app purchases available)

4. My classes.

Playstore bogiisa hore ayaa appkan ku tilmaamay appka ugu wanaagsan ee ardayda waxaana ay u muuqata in inaguna aynu ku raacnay.

Appka dhexdiisa waxa aad awod uleedahay inaad xiisadaha ama courseska aad rabto aad ku diiwan gashato, inaad xiisad walba macalinka aad ka baratid aad ku diiwan galisid, waxa aanad u qorshayn kartaa xiisadaha qaab maalinle ah, ama wiigi marar gaara ah, ama xitaa bille ah ama bishii dhowr wiig ama maalmod ah.qaybta hore ee appka ayay kaaga muuqanayan hawlaha aad ku diiwan gashatay appka ee kugu soo aadan,

Appkani waxa uu kuu ogolaanaya inaad si dhamaystiran u maamushid waxyaabaha aad maalin laha usamaysid iyo waxyaabaha kale sida wiigi ama bishii aad marar gaar ah samaysid. Waxa aad ujajabin kartaa waxyaabaha waawayn ee aad rabto inaad ku diiwan gashato appka qaybo yaryar sida hadii ay course tahay waxa aad baranaysa inaad chapters ama cutubo aad uqaybisid.

Appka waxa uu leeyahay qayb iib ah balse qaybta freega ah ayaa waxa aynu soo tilmaamnayba aad ka heli karaysa inkasta oo xayaysiimo aad u badan ay leedahaya ama ads waxa la yidhaahdo.

Halkan kala dag appska: My Classes (Free, in-app purchases available)

5. Timetune

Hadii aad ubaahan tahay app waqti lagu qorsheeyo balse aan gaar u ahayn ardayda appkan ayaa ah midka aad ubaahan tahay. Appkan waxa uu kaa cawinaya inaad ku diiwan gashato hawl maalmedkaga inkasta oo aan hadii aad arday tahay aanay jirin wax aad ka waayayso si aad xiisadahaga ugu diiwan gashato, balse sido kale si guud ayaa loo adeegsan karaa.

Qaabka aad u diiwan gashanayso hawlaha waqtiyaysan appkan waa mid yara duwan, marka hore waxa aad ubaahan tahay inad samaysatid template(qaab dhismeed) kadib midkaas aad samaysatay ayaad ku diiwan gashanaysa hawl maalmedkaga, ama hawlahaga wiigi ama bishii aad marar gaar ah samaynaysid.

Appkani waxa uu leeyahay sumado badan oo ad ku calaamadsanayso waxyaabaha ad appka ku diiwan gashanayso iyo sido kale inaad midabada badali karaysid. Appka waxa uu leeyahay qayb free ah sido kale qayb iib ah hadii aad ubahan tahay qaybta iibka ah waad iibsan kartaa inakasta oo inta badan ee appkan aad fre ku heli karaysid. Mida muhiimka ah ayaa ah appkan xayaysiis ama ads ayuu leeyahay hadii aad free ku adeegsanaysid sida appski hore ee aynu soo aragnay.

Waxa si lamida aad adeegsan kartaa appka timebloc oo ah app lamida timeblock balse dhanka adeegsiga ka fudud time tune una muhiima dadka marki ugu horaysay adeegsanaaya appska lagu diiwan gashto hawl maalmedkaga.

Halkan kala dag appka tinetune: TimeTune (Free, in-app purchases available)

Halkan kala dag appka tinetune: TimeBloc (Free, in-app purchases available)

Write a comment