RESOURCES PAGE

Common Questions & Resources We use

Kusoo dhawaada Boga resources-ka. waxa aad bogan ka helaysa su’aalaha inta badan aad inaso waydiisan ama iska waydiisan courses, adeegyada, blogging, affiliate marketing, cryptocurrency, iwm. sido kale qaar kamida aaladaha iyo qalabka aynu adeegsano ee aynu ku talinayno ayad ka helaysan bogan.

SU'AALAHA KU SAABSAN COURSESKA

waxa somalitech ay bixisa hada 11 course oo lagu barto aqoon iyo xirfado kala duwan. si aad u ogaato courseska waxa ay yihin iyo mid kasta waxa lagu baranaayo, booqo boga courseska ee website-ka somalitech. riix linkigan:  https://somalitech0.com/allcourses

coursekasta oo somalitech laga barto, waxa jira group ardayda courseka iska diiwan galisay ee barata iyo macalinka courseka bixinaaya ay ku wada jiraan,. waxa groupka lagu wadaaga su’aalaha ku saabsan casharada course-ka iyo wixi sharaxaado dheerada ah. arday kasta su’aalaha waxa uu kuso qoraya groupka waxa uga soo jawaabaya macalinka courseka bixinaaya, sido kale ardayda kalena waa ay ugaso jawaabi.

ardayga courseka marka uu iska diiwan galiyo ama iibsado, waxa uu sidaas u iibsaday course-ka. ma jirto wax lacag danbe ah oo looga baahan yahay inu bixiyo si uu casharada course-ka usii haysto. course-kana waxa uu noqonaya mid uu helo wakhti kasta oo uu ubaahdo isaga oo ka helaaya website-ka somalitech.

waxa laga baranaya casharada course-kasta oo somalitech bixiso website-ka rasmiga ah ee somalitech oo ah websiteka aad hada joogto. ma jirto meel ka baxsan oo hada courseska somalitech laga barto.

SU'AALAHA KU SAABSAN ADEEGYADA

waxa hada somalitech bixisa 2 adeeg, adeega koobad waa website samaynta. adeega labaad waa cilad bixinta website-yada, iyo talo bixinta ama consultation. waxa aad ka helaysa xogta adeegyada bogaga adeegyada, riix linkiga si aad utagto boga adeegyada ee websiteka:  

hadii laguu sameeyo website, waxa laguu samaynaya website-ka aad rabto. marka lagu sameeyo website-ka hadii aanad garanayn sida loo adeegsanayo ama loo isticmaalayo website-ka, waxa lagu siin course tababar ah oo lagugu baraayo sida aad website-ka u isticmaali lahayd si aad ugu fushato hawlahaaga. hadii wax cilad ah mustaqbalka ku timaado waa lagaaga saaraya. hadiise aad wax ka badalayso sida website-ka uu yahay ama aad wax kuso kordhinayso waa lagula eegaya, hadii laga fursan waayo waxa aad iska bixinaysa khidmad yar oo aad uyarse.

hadii aad soo codsato talooyin ama in lagula eego ganacsi, aqoon iyo waxi kale ee lamidka ah, marka la ogaado waxyaabaha lagaa caawinayo, waxa lagu sheegaya waqtiga ay qaadanayso, kadib waxa aad iska bixinaysa wixi khidmad ah. kadib hadii wakhtiga uu intaas ka dheerado laguu sheegay, ama loo baahdo wakhti kale si laguula eego waxyaabahas, ma jiro kharash danbe oo aad bixinayso. wixi mustaqbalka aad su’aalo ubaahato in lagaaga jawaabo wax kharash ahi ma jiro.

waxa aad inagala soo xidhiidhi karta kaliya whatsapp iyo email. wixi wada hadal ah ee si toosa loo wada xidhiidhayo waa whatsapp, wixi fariimo business ahna waa email.

SU'AALAHA KU SAABSAN BLOGGINGKA

bloggingka waa xirfada loo adeegsado marka internetka xog lagu qoraayo, si gaara waxa erayga la adeegsada marka website-yada internetka qoraal ama article lagu qoraayo.

xirfadani waxa ay kamid tahay xirfadaha ugu badan ee dhaqaale looga sameeyo xogaha lagu qoro internetka oo dhan. waxana dhaqaale looga sameeya in la monetize gareeyo ama affiliate marketing wax la yidhaahdo looga sameeyo. sido kale qaabab kalena waa looga sameeya.

si aad ubarato xirfada bloggingka waxa aad ubaahan tahay 2 shay. marka 1aad waxa aad ubaahan tahay inad barato sida website-yada internetka si gaara aaladaha CMS la yidhaahdo sida wordpress, bloggger aad barato sida loo adeegsado loona isticmaalo.

waxa intaas kadib aad ubaahan tahay inad barato sida maqaalo ama article loo qoro. maqaalka qoritaankisa inta badan waxa ay la xidhiidha uun 2 shay inad barato. 1: inad garanayso waxa aad ka hadlayso ee aad wax ka qorayso, kadibna aad waxaas uqorto qaab nidaamsan oo dadka ay si fudud u akhrin karaan una fahmi karaan. 2: in aad maqaalka ama qoraalkaga aad qortay aad unidaamiso habka uu google ufahmi karo sida ugu wanaagsan si maqaalkaga uu google safka hore uso saaro marka wax la xidhiidha laga raadiyo. waxa loo yaqaana SEO.

waxa aad ka baran karta xirfada bloggingka goobo badan oo internetka kamida, waxa kamida goobahas website-kena oo aynu ku bixino courses kala duwan oo lagu barto xirfada bloggingka . waxa hada aynu bixina laba course, midka koobad waxa lagu baranaya xirfada bloggingka oo dhamaystiran iyado la adeegsanayo aalada wordpress, midka labaadna waxa lagu baranaayo xirfada bloggingka oo dhamaystiran iyado la adeegsanaayo aalada blogger.

linkiga course-ka 1aad: https://somalitech0.com/courses/complete-wordpress-web-development/

linkiga course-ka 2aad: https://somalitech0.com/courses/complete-blogging-course-from-a-to-z/

hadii aad rabto inad ogaato fariqiga udhaxeeya aalada worpdress iyo aalada blogger, maqaalkan ayaynu kaga faaloonay ee akhri:  https://somalitech0.com/isbarbar-dhiga-blogger-iyo-wordpress/

si aad ubilaabto xirfada bloggingka waxa aad ubaahan tahay waxyaabo dhowra, waxyaabahas waxa ugu muhiimsan in aad leedahay website aad maqaalada kuso qorto. sido kale waxa aad ubaahan tahay in aad haysato computer aad maqaalada ku qorto marka aad maqalada kuso qorayso website-ka.

hadii aanad helaynin computer telefoonka waad ku bilaabi karta, balse waxa ku wanaagsan xirfada bloggingka 100% computer. waana ay kugu adkaanaysa hadii aad telefoon rabto in aad ku qorto maqaalada, website-kana ku maamusho. balse hadii aad helayso tablet waad ku baran karta, kuna qori karta maqaalada tabletka.

sida lacagta aad uga samaynayso xirfada bloggingka waxa weeye, waxa aad lacagta ku helaysa dadka akhrinaaya xogta aad kuso qorto website-kaga. lacagta kuma siinayan dadka akhrinaya xogta ad kuso qorto websiteka, balse dadkaas ayad si aan toos ahayn lacag uga helaysa.

waxa jira dhowr qaab oo lacag ama dhaqaale looga sameeyo bloggingka, waxa kamida monetizing inad ku samayso website-ka. waxa monetizingka kugu samaynaaya website-kaga shirkado ay ugu magac wayn yihiin google adsense.

sido kale waxa lacag looga sameeya websiteka hab la yidhaahdo affiliate marketing. affiliate marketingka waa inad maqaalada websiteka aad ku qorayso aad uga hadasho alaabo shirkad leeyihin kadibna qofkasta oo iibsada oo akhriya maqaalkaga ad ku helayso lacag.

waxa bixiya adeega affiliate programka shirkado ay kamid tahay amazon, impact, sharesale, iyo kuwo kale.

waxa jira sido kale qaabab kale oo ah ka mid yihiin inad shirkado sponsorship usamayso, iyo qaabab kale.

qaababkas kala duwan ee aynu tilmamnay waxa ugu saamayn badan labada qaab ee hore, ee monetizationka iyo affiliate marketingka.

waxa jira shuruudo fudud oo ay leeyihin qaar kamida shirkadaha bixiya adeegyadan, balse waa shuruudo aad ufudud in la buuxiyo si ay kugu ogolaadan in aad lacag ka samayso aaladahoda.

shirkadaha kala duwan ee bixiya adeegyada affilaite marketingka iyo adeegyada monetizationka waxa jira qaabab kala duwan oo lacagta ay ku bixyaan. waxa kamida paypal, bank transfer, iyo payoneer,

SU'AALAHA KU SAABSAN AFFILIATE MARKETINGKA

affilaite marketingka waa mid kamida qaababka dhaqaale ama lacag looga sameeyo internetka.

affiliate marketingka waxa weeye, shirkad ayaad alaab ama adeeg ay leedahay xayaysiinaysa, waxa aad ku xayaysiin karta alaabtas ama adeega youtubeka, website, facebook iyo meel kasta oo dad laga heli karo, kadibna qof kasta oo alaabtas ama adeegas iibsada waxa ay shirkada ku siinaysa qayb kamida lacagta uu ku iibsaday.

qaybta ay lacagta kaa siinayso shirkada waxa ay ku sheegaysa marka hore inta aanad xayaysiinin alaabta.

shirkada waxa ay ku garanaysa alaabta qofka inad adiga u xayaysiisay, waxa ay ku siinayna link kuu gaara adiga, qofka marka aad alaabta uxayaysiiso, waxa aad usheegaysa inu ka iibsado linkiga ay adiga ku siisay shirkada oo ah link gaynaya qofka website-ka shirkada, kadibna halkas ayuu ka iibsanaya.

marka u qofka iibsado alaabta ama adeega, waxa kuu sheegaysa shirkada, sidaas ayanad ku ogaanaysa lacagta aad heshay.

haa, lacag waad ka samayn karta affiliate marketingka adigo aan lahayn website!.

waxa aad uga samayn karta qaabab kale sida inad muuqalo ku saabsan soo galiso youtubeka, tiktok, facebook iyo goobaha kale ee lamidka ah.

balse qaabka ugu badan ee affiliate marketingka lacag looga sameeyo waa in aad leedahay website aad maqaalo kuso qorto, ama in aad leedahay Bog baro bulsho ah oo dad badan kaaga xidhan yihiin sida youtube, facebook, tiktok, iwm.

sababtu waxa weeye, waxa aad ubaahan tahay alaabta in aad uxayaysiiso dadka ubaahan ee in ay iibsadan waqtigaas raba.

taasina waa sababta website-ka uu uyahay midka ugu wanaagsan ee wax loogu xayaysiiyo affiliate marketing ahaan.

maadama dadka raba in ay internetka ka iibsadan alaaabo ama adeegyo waqtigaas ay google ka raadiyaan xogta ku saabsan alaabta ay iibsanayan ama adeega ay iibsanayan inta aysan iibsan kahor, taasi waxa ay fursad siinaysa dadka xogo kuso qora website-koda alaabtas la xidhiidha in ay iyago noqdaan qofka alaabta laga iibsado.

affiliate marketingka waxa uu kamid yahay qaababka dhaqaalaha ugu badan laga sameeyo.

website-yada affilaite marketingka wax ku xayaysiiya waxa ay sameeyan bishi dhaqaale ka badan ilaa 1000 marka ay ugu yaryihiin inta badan.

SU'AALAHA KU SAABSAN freelancingka

freelancing waxa loogu yeedha xirfada ay leeyihiin dadka habka onlineka ah ugu qabta adeegyada ama shaqada dadka kale, kadibna qofkaas marka ay uqabanayaan adeega ama shaqada uu rabo ka hela lacagta.

dadkaas waxa loo yaqaana freelancers, halka xirfada ay ku shaqeeyan la yidhaahdo freelancing.

waxa jira websiteyo ay leeyihin dadka raba in ay cid kale ugu shaqeeyan internetka dhexdisa, shaqadaas maaha mid la isasinayo mushahar, balse waa shaqo waqti kooban lakala shaqaysanayo.

qofka waxa uu ka dalbanaya qofka inu uqabto shaqo, kadib marka uu uqabto shaqada waxa uu siinaya lacagta qofka ushaqeeyay.

shaqooyinka inta badan ay qabtaan dadka freelancerska ahi waa shaqooyin waqti kooban la qabto, waxa kamida sida shaqooyinka logo samaynta, website samaynta, xayaysiis samaynta, iwm.

waa shaqo qofka loo shaqaynaya uu doonayo in loo qabto, kadibna marka loo qabto uu bixiyo lacagta. kadibna markas aya isugu danbaysa labada qof.

waxa jira website-yo ay waawayn oo ay isugu yimaadan dadka freelancerska ahi lagana helo, website-yada ayay yimaadan dadka ubaahan qof ugu shaqeeya freelancer ahan

waxa kaida website-yadas sida website-ka fiverr, iyo upwork.

waxase inta badan dadka freelancerska ahi sido kale leeyihin badankodu website-yo ugaar ah oo lagala xidhiidho kadibna ay kugu shaqaynayan.

balse inta badan marka website-koda aad ugu tagto, lacagta marka aad udirto ma jirto cid kuu balan qaadaysa in ay ku qabanayan shaqada iyo in ay ku dhacayaan.

taasa keenaysa in kalsoonida mararka qaar lagu qabaayo ay hoosayso, balse website-yada aan kugu sheegay xaga sare, waa website-yo marka aad ka dalbato in ay alaab ku qabtaan aysan ku dhici karin, maadama lacagta aanay helaynin ilaa ay kuu qabtaan shaqada.waxana jira cid idin dhaxaysa oo ah qolada website-yada leh ama maamula.

waxa jira xirfado badan oo looga shaqaysto freelancingka, xirfadahaas waxa ay leeyihin badanka xirfadaha la barto ee kala duwan.

waxa jira xirfadaha goobo kala duwan oo aad ka baran karto, waxa aadna ku dooran karta xirfada halka aad ka baranayso xirfada aad rabto inad barato waxa ay tahay.

xirfadaha la xidhiidha ICT ama technologyada sida website samaynta, video editingka, cilad saarka computerka, iwm waxa aad ka baran karta website-kena somalitech.

waxa aynu bixina courses badan oo lagu barto xirfadaha, waxa aadna ka helaysa courseskas boga courseska ee website-kena, riix linkigan si aad bogaas utagto:   https://somalitech0.com/all-courses/

SU'AALAHA KU SAABSAN ethical hackingka

ethical hacking waxa la yidhaahda cilmiga la adeegsado marka la jabsanaayo qalab technology ah sida computer, telefoon, ama qalab kale sida camera, television, iwm.

marka hore waa in aynu kala fahano ereyadan:
hacking: waxa eraygan la yidhaahda cilmiga la adeegsado marka wax la hack garaynaayo

hacker:  eraygan waxa loogu yeedha qofka yaqaana cilmiga hackingka ama cilmiga wax lagu jabsado

dadka hackerska ah aya loo qaybiya labo. waxa ay kala yihiin labadaasi, ethical hacker iyo hacker.

ethical hacker: qofka loo yaqaano ethical hacker waa qof sharaf leh, cilmiga hackingka u adeegsada si waafaqsan sharciga cilmigan iyo sharciga dawladaha ee ah in aanu cidna dhib ugu gaysan, cidna uusan jabsan wax ay leedahay isaga oo aan ogolaansho ka haysan.

hacker: hadii aad maqasho qofkasi waa hacker, laakin aan lagu dhihin waa ethical hacker makala ogaan kartid inu yahay qof si wanaagsan oo sharaf iyo ixtiraam leh u adeegsada cilmigan iyo in aanu ahayn.

black hacker: eraygan waxa loogu yeedha qofka sida xun u adeegsada cilmiga hackingka. waxa ayna dadkaasi mutaystaan ciqaab ama ganaax kaga yimaada dawladaha marka la ogaado oo culus.

waxa aad ka baran karta goobo badan oo kala duwan cilmiga hackingka.

waxa aad ka baran karta goobaha waxbarashada qaar, inkasta oo aysan wada bixin goobahasi, mararka qaarna shuruudo sida shahaado jaamacad oo ICT ahi ku xidhan tahay.

sido kale waxa aad ka baran karta internetka, internetka aya ah goobta ugu badan ee aduunka laga barto HACKINGKA.

waxa jira courses lagu barto ethical hackingka oo aynu bixino somalitech ahaan oo aad baran karto.

hada waxa aynu bixina laba course oo lagu barto ethical hackingka.

course-ka 1aad waxa lagu barta cilmiga ethical hackingka iyado la adeegsanaayo telefoonada android. course-ka magacisa waa:  complete android ethical hacking course. linkiga boga course-ka ee website-kena waakan:  https://somalitech0.com/courses/android-ethical-hacking/

course-ka 2aad waxa lagu baranaya ethical hackingka iyado la adeegsanayo computerka. course-ka magaciisa waa:  ethical hacking from scratch. boga website-ka ee course-kana linkigisa waakan: https://somalitech0.com/courses/ethical-hacking-from-scratch/

ethical hackingka marka aad baranayso waxa aad ubaahan tahay internet. sido kale waxa aad ubaahan in aad haysato computer iyo telefoon hadii aad ku baranayso telefoonka sida course-ka aynu bixino.

waxyaabaha kuu fududaynaaya hadii aad ethical hackingka ku baranayso computerka waxa kamida:

inad aqoon uleedahay fiican sida computerka loo isticmaalo oo aad garanayso adeegsiga computerka.

waxa kamida inad garanayso sida computerka loo cilad saaro ciladaha ku yimaada computerka.

hadii aad rabto inad hackingka barato, kadibna aanad garanayn sida loo adeegsado computerka, waxa jira course aynu bixino oo bilaw ilaa dhamaad computerka sida loo adeegsado lagu barto.

waxa course-ka lagu baranaya 80 cashar oo aad ku barnayso computerka hardware-kisa, softwarekisa sida windows 10 & windows 11 iyo office.

linkiga course-ka waakan: https://somalitech0.com/courses/computer-training-course/

hadii aanad aqoon ulahayn sida computerka loo cilad saaro, iyo sida computerka loo barto qaybihisa securityga iyo sida looga saaro ciladaha, waxa jira course bilaw ilaa dhamad aynu ka diyaarinay. course-ka magacisa waxa la yidhaahda:  windows unlocking & security.

linkiga course-kasi waakan:  https://somalitech0.com/courses/windows-unlocking-security/

RECOMMENDED PRODUCTS

Resources We use and Trust

HOSTINGER

hostinger waa companyga ugu wanaagsan internetka ee bixiya ama iibiya hosting iyo domain. hada website-kan somalitech ee aad joogta waxa uu yaala hostingka companyga hostinger.

waxa ay iibiyan qaybaha kala duwan ee hostingka sida shared hosting, vps hosting iyo qaybaha kale. sido kale waxa ay iibiyan adeegyada website-yada ay ubaahan yihiin oo dhan sida domain, profissional email, iwm.

hadii aad ubaahato inad iibsato domain, riix linkiga hoose si aad uhesho qiimo dhimis ah 75%