Bangi aad dhaqaale uga samayn karto internetka adigo wadanka jooga

Bangi aad dhaqaale uga samayn karto internetka adigo wadanka jooga

waxa jira bangiyo badan oo international ah kuwaas oo aad lacag aad ka diri karto adigo internetka isticmaalaya si lamida adigana lagaaga so diri karo, waxa bangiyadaas ugu caansan laba bangi oo la kala yidhaahdo paypal iyo payoneer. maqaalkenan waxa aynu si gaara ugu lafa guri doona bangiga loo yaqaano payoneer maadama uu yahay hada bangiga laga isticmaali karo wadankena, halka bangiga paypal uu ka xidhan yahay wadankena oo aan laga isticmaali karin wadankena waqtiga aan maqaalkan qoraayo.

payoneer waa bangi caalami ah (international ah) kaas oo ka shaqeeya ku dhawaad 200 oo wadan, waxa bangigan adigo adeegsanaya aad lacag uga diri karta qof kaa fog oo jooga wadan kale si lamida adigana waa lagugu so diri kara. waxa bangigan uu aqbala lacagaha internetka iyo qaababka kala duwan ee internetka lacag looga diro. waxa bangigan uu aad ugu wanaagsan yahay dadka ka shaqaysta internetka maadama ay jiraan website-yo badan oo aqbala in ay payoneer ay lacag ku diraan.

waa maxay payoneer

payoneer waa bangi laga leeyahay wadanka maraykanka kaas oo ah bangi international ah, bangigan waxa uu gudaha wadanka maraykanka ka yahay bangi caadi ah oo international ah isla markaana bixinaya adeegyada ay bixiyaan bangiyada kale. bangigan ayanay ku koobnayn shaqadiisa wadanka maraykanka, balse dadka kale ee daafaha aduunka kala jooga aya awood uleh inay bangigan adeegsadan akoona ka furtan inkasta oo sida looga furanayo akoonka aynu gadaal uga hadli doono.

sidee ayuu ushaqeeya payoneer bank.

payoneer waa bangi lamida bangiyada kale ee internationalka ah kaso usuuro galiya isticmaalayashisa inay ka helaan adeegyada maaliyed ee uu bixiyo, sido kale waxa uu usuro galiya isticmaalayashisa inay lacag diri karaan iyagana loso diri karo qaab ku kooban wadanka maraykanka iyo daafaha caalamka.

mid kamida waxyaabaha uu payoneer uga duwan yahay bangiyada kale waa inu usuuro galiyo macaamishisa inay ka furtaan bank account wadan kale oo aan ahayn wadanka ay dagan yihiin. tusaale adigo jooga somalia aya bank account ka furanaysa wadanka maraykanka, lacagta wadanka maraykankana lagugu so diraya bank account-ga aad ka furatay wadanka maraykanka. si sida lamida ayad ka furan karta bank account wadamada kale sida ingiriiska, faransiska iyo wadamo badan oo kale, wadan kasta oo aad ka furato bank account lacagta wadanka aya lagugu so diri kara.

sido kale payoneer hadii aad akoon ka furato dhanka webiste-kisa waxa lagugu so diri kara lacago account-ga, lacagta kugu so dhacdana waxa aad kula bixi karta bangiyada ka shaqeeya wadankaga, waxa sido kale payoneer bank uu bixiya adeegyada sida isku badalka lacagaha, dirista lacagaha si caalami ah iyo helitaanka lacagaha si caalami ah.

waxa uu payoneer bank account aqbalaa 7 lacagood oo kala duwan waqtiga aan maqaalka qoraayo, waxa aad awood uleedahay inad 7 lacagood ee kala duwan aqbali karto oo lagugu so diri karo payoneer, kadibna aad isku badali karto lacagaha oo lacagta laga isticmaalo wadankaga aad ka dhigan karto. waxase muhiima in payoneer uu kaa qaadi doono lacago khidmad ah marka uu kuu qabanayo adeegyada sida lacag isku badalka iyo lacag diristaba.

Sidee Lacag Loogu Hela Payoneer

waxa lacag loogu hela payoneer laba qaab, qaabka 1aad waa in lacagta lagugu so diro payoneer account. payoneer account waa akoon aad ka furanayso webiste-ka payoneer isla markaana lagugu so diro karo lacag. waxa uu payoneer account lamid yahay paypal account, waxana lacag lagaaga so diri kara account kale oo payoneer ah iyo sido kale qaababka lacagaha la isugu diro ee kala duwan qaybo kamida. qaabka 2aad ee payoneer lacag lagugu so diri karo waa in laguso dhigo lacagta hadii aad leedahay payoneer bank account. payoneer waxa uu bixiya akoono bangi ah kuwaas oo lamida akoonada ay furaan bangiyada ku yaala wadamada, waxana lacag laguso dhigi kara akoonada aad ka furatay bangiga.

waxa laga yaaba inad isku qaladid payoneer website account iyo payoneer bank account, balse waa laba kala duwan, midi waa dhanka website-ka akoon aad ku yeelato oo lacagaha lagugu so diro, midina waa akoon dhanka bangiga aad ku yeelato, waxa aan rajaynaya inad kala fahanten.

websites-ka aqbala in ay lacag ku diraan payoneer

mid kamida suuqyada uu hiigsado payoneer waa suuqa freelancingka iyo ganacsiyada ecommerce-ga ah, waxa aqbala website-ska ugu waawayn ee dhaqaale laga sameeyo payoneer sida fivver, upwork iyo google adsense, inkasta oo google adsense uu aqbalo kaliya wadanka maraykanka adsense account-ga ku xidhan. waxa aan uga jeeda akoon adsense ah oo wadanka maraykanka ku verify garaysan aya kaliya aqbala payoneer. sida muuqata qof kasta oo xirfada freelancingka iyo ecommerce raba inu ku shaqaysto payoneer waa u muhiim, sababtuna waxa weeye waxa uu usuuro galinaya inu lacagaha ka heli karo daafaha caalamka.

taasi waa payoneer account midka aan tilmaamay website-ska aqbala, balse payoneer bank account hadad leedahay waxa aqbali kara website-yo ka tiro badan inta aan tilmaamay waxana aqbali kara internetka oo dhan maadama ay la socdaan akoonada kaadhadhka lacagaha loo isticmaalo ee debit card iyo credit card sida mastercard, visacard iwm.

yaa isticmaali kara payoneer

waxa isticmaali kara payoneer qofkasta oo jooga wadamada kala duwan ee aduunka, waxa kaliya aad ubaahan tahay inad akoon ka samaysato website-ka payoneer, kadib waad haysata akoon payoneer ah, inta kadib waxa aad dalban karta hadad ubaahan tahay kaadhka bangiga ee payoneer, kaas oo inta lagu sameeyo laguso dhiibi karo laguuguna keeni karo halka aad joogto iyado ay ku xidhan tahay in lagu keeni karo halka aad ku sugan tahay marka in la keeni karo iyo in kale. micnaha waxa aan ujeeda in kaadhka laguso gaadhsiin karo oo wado laguso mariyo la heli karo.

ugu daybayn qofkasta oo naawilaya inu internetka dhaqaale ka sameeyo isla markaana jooga wadankena hooyo waa u muhiim payoneer maadama aanay jirin shirkad kale oo lamida oo ka shaqaysa wadankena waqtiga aan maqaalka qoraayo. payoneer waxa uu kuu suuro galinaya inad akoono ka furato bangiyada wadamo qalaad oo aanad joogin sido kale inad heli karto lacagaha wadanka ayu kuu suuro galinaya. waxa sido kale payoneer uu kuu suuro galinaya inad hesho akoon dhanka webiste-ka ah oo aad ku qabsan karto lacagaha internetka

Write a comment