Google hada waxa uu soo kordhiyay qaab cusub oo aad qoraal iyo sawir(google multisearch) wada socda aad wax ugaga raadin karto internetka si wixi aad raadinaysay waxa ugu haboon aad uhesho. Haday waxa ay ku sugan tahay farsamadani wakhtigii tijaabada gaar ahaan luuqada englishka ee maraykanka.

Farasamadan qoraal iyo muuq wax ku raadinta oo afka qalaad lagu yidhaahdo(multi search) waxa ay kuu faaidaynaysa in waxa aad raadinayso qoraal ku saabsan aad ku raadiso sido kale aad sifayso sida midabkiisa iyo qaabka uu yahayna aad ku raadiso adigo adeegsanaaya sawir.

Raadinta qoraal iyo muuqa ah, waxaad waydiin kartaa google su’aal ku saabsan shay hortaada ku yaal ama waxaad ku nadiifin kartaa raadintaada midab, calaamad ama sifo muuqaal ah,” Google waa hadal uu ka yiri google farsamadan cusub.

Hadaba si aad u adeegsato farsamadan >> waxa aad soo furaysa barnamijka google ee telefoonada android iyo iphone. Kadib waxa aad dooranaysa > lens camera doorashada ah, kadib waxa aad dooranaysa sawir telefonkaga ku kaydsan ama sawir ayaad ka qaadaysa waxa aad rabto inaad ka raadiso google

Kadib > kor ayaad ku dhufanaysa adigo dooranaya calaamada +, kadibna qoraalka aad ubaahan tahay inad ku lamaanayso sawirka ayaad halkaas galinaysa ee raadintaada.

Dhamaan farsamooyinkan waxa suuro galiyay horumarkayagi ugu dameeyay ee artificial intelligence-ga, kaaso noo ogolaaday inaanu fahano aduunka inagu gadaaman qaab fudud oo dabiici ah, waxa aanu raadinayna qaabab kale oo aanu farsamadan kusii horumarin karayno iyo guud ahaan qaabka raadintayada oo dhan si aanu u horumarino jawaabaha su’aal kasta oo aad na waydiin doono micnaha google wax kasta oo aad waydiiso inaad hesho waxa ugu fiican ee aad rabtay ama kugu haboon.” Qoraalkas ayuu google sii raaciyay marka uu shaaciyay farsamadan. cusub.

halkan kal hel fariinta google uu ku shaaciyay farsamadaan: https://blog.google/products/search/multisearch/?_ga=2.67288273.1779672922.1649096098-707072953.1637333628

Write a comment