Asc dhaaman asxabta ku xidhan somalitech maqalkeenan waxa aynu kaga hadli doona tariikhda shirkada ADOBE ama (SHORT HISTORY OF ADOBE ICO)
Adobe Inc, oo hore loogu yiqiinay Adobe System Incorporated, waa shirkad ku caan ah soo sarista sofwarada loo adeegsado samaynta naqshadaha iyo sido kale softwarada muuqal qurxinta loo adeegsado oo la asaasay 1982.

Waxay ka bilaabantay daabacaadda desktop-kii ugu horreysay ee 1983, maanta waxaa loo yaqaanaa bixinta xalalka hal-abuurka leh ee xayeysiinta, suuq-geynta, iyo isgaarsiinta muuqaalka. Laga soo bilaabo qurxinta sawirada ilaa animation-ka muuqaalka, Adobe waxa ay leedahay barnaamijyo ama softwaro loo habeeyey si uu u daboolo baahiyaha. Qaar ka mid ah softwaradeda caanka ah waa Illustrator iyo Photoshop oo lagu qiimeeyay inay yihiin kuwa ugu wanaagsan ee shirkada . Soo bandhigida Adobe Acrobat iyo PDF waxay sidoo kale wax ka beddeleen warshadaha daabacaadda dhijitaalka ah. Aynu si degdeg ah ugu socdaalno taariikhda Adobe anagoo adeegsanayna xogtan


Aasaaskii Adobe ico

Adobe Inc waxaa aasaasay John Warnock iyo Charles Geschke, oo hore uga tirsadana Xerox oo ah shirkad so sarta alabada iyo adeegyada printerka iyo qalabad digital ah.

Shirkadda waxaa loogu magacdaray meel la yidhaahdo Adobe Creek oo ku taal Los Altos, California xarunteeduna waxay ku taal San Jose, California.

Aasaasayaashu waxay ku kulmeen xarunta cilmi baarista ee Xerox markii ay horumarinayeen luqada barnaamijka adobe , qaababka, iyo cabbirka walxaha bogga shaashadda kumbuyuutarka. Si kale haddii loo dhigo, tarjumaada sawirada iyo qoraalka kumbuyuutarka si loo daabaco.

John Warnock iyo Charles Geckche waxay rabeen inay tignoolajiyadan u muujiyaan adduunka, si kastaba ha ahaatee, Xerox way diiday, taasina waa sida ay u go’aansadeen inay bilaabaan ganacsigooda (Adobe) si ay u keenaan tiknoolajiyad wax lagu daabici karoAstaantii amaba loogadii ugu horeysay ee Adobe waxaa naqshadaysay Marva Warnock, John Warnock xaaskiisa, oo sidoo kale ahayd gabadh wax sawirta.


Wax yar ka dib aasaaskii Adobe, tignoolajiyada daabacaadda desktop-ka ee loo yaqaan PostScprit waxay noqotay guul weyn. Sannadkii 1983, Apple waxay noqotay shirkaddii ugu horreysay ee hesha aqoonsi caalimi ah, laba sano ka dib 1985, Apple Inc waxay ku dartay PostScript daabacaadaheeda laser aqoonsi Macintosh ee ku habboon.


Sannadkii 1987-kii Adobe waxa uu soo bandhigtay Adobe Illustrator, software-ka lagu sameya sawirada, sawir-qaadista, boodhadhka, logooyinka, iyo farshaxanno kale. Barnaamijkan ku saleysan sawirida waxaa si caalami ah u isticmaala dadka dhanka naqshadaynta sawirada.
Midka mid ah guulihii ugu waa waynaa shirkda adobe waxa kamid ah markii ay soo
bandhigtay 2 sano kabacdi Photoshop oo noqday kii ugu caansana aduunka wax xaadirkaas.
waxay sido kale mudo kadib soo saartay 1991 markay taariikhdu ahay adobe premiere oo tool loogu talo galay video editinka kaas oo kor uqaaday tayada video editinka ilaa xad daafaha caalamka


Maanta Adobe Inc waxa uu helay aqoonsiga shirkadaha oo loo doortay mid ka mid ah Shirkadaha Blue Ribbon ee Fortune. Maanta Adobe waxay leedahay in ka badan 24,000 oo shaqaale ah adduunka oo dhan, iyo dhamaadka 2020, waxay soo sheegtay dakhligeeda maaliyadeed ee 2020 oo ah US$12.87 bilyan

macluumad intaas dheer waxa aad ka heli karaysa linkigan ama wikipediaha shirkada

Write a comment