Shuruudaha lacag kasameynta Google Adsense

Google Adsense waa adeeg xayaysiis ah oo ay bixiso shirkada Google kaas oo ay siiso milkiilayaasha mareegaha internetka si ay uhelaan fursad ay ku kasban karaan dakhli iyaga oo kusoo bandhigaya xayeysiisyo mareegaha ay maamulaan, mar waliba shirkada google ayaa ah dhex dhexaadiyaha qofka raba in loo sameeyo xayeysiimo iyo mareegta rabta in ay marti geliso xayeysiintaas si hadafka labada dhinac ay unoqato mid mira dhal ah oo guuleysata.

Markii aad dalbato google adsense oo lagusoo aqbalo waxaad guda gali kartaa howshaada xayeysiis ee aad lacagta ku kasban laheyd adiga oo sooqaadaya code qoran oo  ay kusiineyso shirkada google waxaad dhex dhigi doontaa mareegtaada dabadeed halkaas ayaa laguugu xisaabinayaa inta qof ee aragtay ama kudhufutay xayeysiinta aad kasoo muujisay mareegtaada mar waliba oo ay dad badan arkaan ama ay kudhuftaan xayeysiinta waa mar waliba oo dakhliga kaasoo galaya uu noqanayo mid sare.

Xayeysiimaha kasoo muuqanaya mareegtaada adiga ayaa goaankeeda leh nooca ay noqaneyso ilamaa ay jirto dhowr noocood oo xayeysiimo ah sida xayeysiin sawir ah, xayeysiin muuqaal ah iyo xayeysiin qoraal ah, kadib markii aad goaan ka qaadatid nooca xayeysiin ee kasoo muuqanaya mareegtaada fulinteeda ugu danbeysa adiga ayaa leh.

Midna ogow in si sahlan laguugusoo aqbalo aysan macquul aheyn sababtoo ah waxaa jira shuruudo iyo waajibaad lagaa rabo in aad kasoo baxdid intaa aanan lagu siinin wax ogolaansho sharciyadeed ah oo kusaabsan in mareegtaada lagasoo muujin karo xayeysiimo.

Goobaha ugu fiican ee mareeg laga sameysan karo

Hadii aad rabtid in aad sameysatid mareeg aad lacag ka sameysid waa in aad isticmaashaa wordpress ama blogger sababtoo ah waa labada goobood ee ugu badan ee ay joogaan dadkaa hanoqdaan milkiilayaal , ganacsato ama akhristayaal, sidaas daraadeed waxaan kugula talin laha labadaas goobood midkood in aad ka sameysatid mareeg adiga kuu qaas ah sababtoo ah isticmaalka iyo qarashka kaaga baxaya waa mid aad uyar oo nafci badan kusoo gelinaya.

Shuruudaha aqbalaada Google Adsense

1.Content Quality

Xogta aad mareegtaada kusoo gudbineysid waa in ay ahaataa mid tayo sare leh oo adiga kuu qaas ah taas oo soojiidan karta soobooqadayaasha mareegtaada si loo helo dad kalsooni buuxa ku qaba xogaha aad soogubisid, sidoo kale xogaha aad soogudbineysid waa in ay ahaadaan kuwo sharci ah oo aan ka hor imaaneynin sharciyada udagsan shirka google.

Waxyaabaha aad mareegtaada kusoo gudbineysid waa in ay ka marnaadaan waxyaabaha sababa isku dhac bulsho sida cunsuriyada, beenta, hurinta rabshadaha, iskooxeysiga, budhcadnimada iwm.

2.Traffic Source

Waa in aad heshaa soobooqadayaal joogta ah oo weliba ku yimaada si dabiici ah, taas macnaheedu waxaa weeye dadka soo booqonaya mareegtaada waa in ay ayaga iskooda usoo booqdan oo aan ladhihin soo booqda mareegtaas, qaabka keliya aad heerkaas ku gaari kartidneh waa in aad sare uqaadaa SEO mareegtaada iyo keywordska aad isticmaashid

3.Ad Placement

Waa in aad qorsheysaa meelaha aad kasoo muujin laheyd xayeysiimaha si aad ugu dejisid istiraatiijiyad guuleysata oo aan wax dhib ah kasoo laabanin, sidoo kale dejinta qorshe dhameystiran waxay kaa caawineysaa in soobooqadayaasha mareegtaada aysan ku jahwareerin.

Mareegtaada hadii aysan laheyn ad placement ladhigo xayeysiinta shirkada google kumasoo aqbali doonto ee sidaas u ogow.

4.No free hosting/domain

Isku day in aadan marna isticnaalin hosting free ah ama domain name free ah sababtoo ah shirkada google waxay mudnaanta koowaad siisaa mareegaha isticmaalaa domain nameska sareeya iyo hosting, sababtoo ah waa ilo lagu kalsoonaan karo ilaa ay isticmaalayaan adeegyo lacag ah oo amaankooda kor joogteyn lagu haaayo.

5.Privacy Policy

Mareegtaada waa in ay udagsan yihiin sharciyo dhowraya amaanka iyo badqabka soobooqadayaashaa si ay shirkada google kugu texgliso in aad tahay qof shaqo diyaar u ah oo raba in uu kamira dhaliyo hadafkiisa ah in ay shirkada google u aqbasho in uu mareegtiisa xayeysiisyo kadhex sameeyo si uu dhaqaale ugu sameeyo.

6.Country Eligibility

Waa in aad hubisaa in aad joogtid dalalka ogolaanshaha uheesta isticmaalka adeegyada ay bixiso shirkada google, balse hadii aadan joogin waxba hawalwalin waa in aad raadisa qof qaraabada ah oo jooga wadamada ka baxsan dalka aad markaas aad joogtid si aad u isticmaashid xogta qofkaasi si ay shirkada google kuu aqbasho adneh aad lacag usameysid.

7.Responsive Design

Mareegtaadu waa in ay ahaataa mid kadiyaarsan wajahada hore si aysan soobooqadayaasha aysan ugu wareerin isticmaalka mareegtaada.

8.SEO Improvement

Mar waliba waa in aad ku dadaashaa sidii aad mareegtaada ugu hormarin laheyd kasoo muuqashada pageka koowaad ee googleka si aad ukasbatid soobooqadayaal badan kuwaas oo kaa caawin kara in aad dhaqaale buuran aad kasameysid mareegtaada.

Markii lagusoo aqbalo

Markii aad buuxisid shuruudaha aan kor kusoo xusay oo aad dalbatid in mareegtaada loo furo xayeysiimada labo jawaabood midkood ayaa heleydaa oo kala ah Aqbalid “Aproval” iyo diidmo “Rejection” labadaba waxay ku xiranyihiin sidaas ubuuxisay shuruudaha aan kor kusoo xusnay.

Hadii lagusoo diido waa in aad dib ugu labaataa buuxinta shuruudaha kaa dhiman ama kuwa aad kagaabisay si aysan mar labaad kugusoo noqonin caqabada diidmada ah ee horay laguu siiyay.

Hadii lagusoo aqbalo waa in aad gashaa falkii aad kusii heysan laheyd ogolaanshada lagu siiyay ee aah in aad mareegtaada xayeysiimo lagasoo muujiyo si aad dakhli ugu sameysid, waana in aad kor joogteyn iyo ilaali iyo cusbooneysiin ku heysaa mareegtaada dhanka Google adsense iyo shuruudaha kuxiranba.

Ogow shirkada google mar waliba ayay kaala noqon kartaa ogolaanshaha ay kusiisay hadii aad jebisid mid kamid ah sharciyada xayeysiismaha ugu dagsan.

Write a comment