Asc, article kan maanta waxa aynu ku baran doona SIDEE LOO ADEEGSADAA TERMUX. Si aad termux ugu samayso ethical hacking ama ugu baratid marka hore waxa muhiima inaad garanaysid sida loo adeegsado termux, sida loogu shubo ama loogu duubo packageska, loo run gareeyo scriptska iyo waxyaabo badan oo dhamaantood aanad hawaysanayn hacking termux ah adigo aan aqoonin iyaga.

Termux waa linux environment application kaas oo lagu adeegsado telefoonada android si loogu adeegsado linux commandska iyo scriptyada. Scriptiyo badan iyo tools fara badan oo linux based ah ayaad u adeegsan kartaa termux. Gaar ahaan waxyaabaha xiisaha dheeradka ah uyeelaya ayaa ah uma baahnid telefonkaga inaad root garaysid si aad termux u adeegsatid. Termux waxa ay ku siinaysa cli(command line interface) linux ah kaas oo aad ka helayso commands farabadan sido kale aad ku shubi karto ama ku duubi karto tools farabadan oo linux os ah.

Waxyaabaha xiisaha badan ee aad ku samayn kartid termux waa sida:

Run scripts

Access vi editor

Make ssh connections

Install aditional packages, with different package managers.

Sidee termux loogu duuba telefoon android

Si aad termux ugu duubtid telefonkaga android waxa ad ka raadinaysa google playstore, sido kale waxa aad ka heli karaysa websiteka officialka ah ee termux halkas oo meelo badan oo aad ka dagsan karto termux aad ka helayso sida Fdroid.

U ogolow inay isticmaasho kaydkaga telefonka termux.

Kadib marka aad ku duubtid termux, waxa aad ubaahan tahay inaad u ogolaato termux inay isticmaali karto ama adeegsan karto telefonkaga kaydkiisa, si aad ugu ogolaato waxa aad u baahan tahay inaad isticmaasho commandka xaga hoose ku qoran.

commandkan waxa ay u ogolaanaysa kaydka telefonkaga termux app

Marka aad u ogolaato kaydka telefonkaga, markaba filesha termux waxa aad ka helaysa telefonkaga internal storagekiisa khaanada shared, hadii aanay khaanadani aanay telefonkaga qaybtiisa internal storageka ku jirin adigu mid samee isla markaana ha ahaado pathka ama qaabka khaanadu tahay sidan: “/storage/emulated/0/shared”.

Ku shubista/ku duubista iyo maamulida termux packageska(programska)

Marka ad termux ku duubtid telefonkaga, commandkan isticmaal si aad u update garaysid packageska termux.

update iyo upgrade ayay commandkan ku samaynaysa termux

hada waxa aad ku shubi karaysa ama ku duubi karaysa termux packageska(programska) aad rabto.

commandka ku duubista programska termux

Kadib marka ad ku duubtay termux sido kale update ku samaysay sida commandki hore aynu kusoo aragnay hada si aad termux ugu shubtid ama duubtid packageska(programs) waxa aad ubaahan tahay inaad isticmashid commandkan sare. Tusaale si aad packagekagi ugu horeeyay ee aan lasocon termux ugu duubtid waxa aad kuduubta package la yidhaahdo nmap. Kaaso oo aynu kusoo baranay artcile ki  ka horeeyay midkan. waxa aad ka helaysa articlekas qaybta hoose ee pageka.

Commandka sare waxa aad u isticmaali karaysa package inaad baadho inuu jiro iyo in kale, si hadii uu jiro aad ugu duubto, hadii qof kuu shego package name, balse aad rabto packageka inu jiro inaad eegto si aad ugu duubto ayaad adeegsanaysa, halka ay ku qoran tahay <search term> ayaad ku qoraysa magaca packageka, sido kale calaamadaha kayar iyo ka wayn ama calamadahan <> uma baahnid inaad qortid marka ad packageka magaciisa dhigayso

commandkani waxa ay ku tusinaysa dhaman programska kuugu duuban termux

Si aad u aragto packageska kuugu duuban termux waxa aad ubaahan tahay inaad adeegsatid commandka sare, waxa ay ku tusaysa packageska kuugu duuban mid walba magaciisa iyo versionkiisa.

Gabagabayn.

Intan kaliya maaha farsamooyinka iyo commandska aad u baahan tahay inaad barato si aad termux u adeegsatid balse intan waa lama huraan inaad ogaatid bilawga, articleskeena soo socda ayaynu ku baran doona commands kale iyo packages(programs) kaleba iyo qaabka loo adeegsanayo. Inta badan commandska waxa aynu baran doona inta aynu adeegsanayso termux serieskan dhexdiisa.

waxa aan rajaynaya inaad wax kafaaiday articlekan, hadii ay jirto fadlan la wadaag asxabtada si aanu u helno asxaab sida adiga oo kale wanaagsan, sido kale inaad articlekan la wadaagto asxaabtadu anaga wax ayay noo tahay maadama muhiimada articlekan aan u qornay yahay inuu cid badan gaadho oo ka faaidaysata. mahadsanid

articles kale oo aad jeclaysan kartid.

sidee loo ogaada passwordka wifiga aad adeegsanayso

sidee termux loogu duuba telefonkaga, si aad ugu baratid ethical hackingka fudud

sidee termux loogu duuba nmap si aad ugu scan garaysid network

One comment on “HOW TO USE TERMUX APP”

  • Mohamed February 23, 2022
    Reply

    Yes

Write a comment