Toolska ugu caansan Termux

Termux waa app open source ah oo uu isticmaali karo qofkasta waana app loo isticmaalo hacking iwm, waxaana isticmaala dadka hackerska ah ee aqoonta duruqsan uleh arimaha tiknoolajiyada adiga xitaa waad isticmaali kartaa sababtoo ah waxaad kusoo dagsan kartaa taleefonkaaga androidka ah si fudud.

Markii aad soodagsatid waxaad arki doontaa wajhad hore oo madow waaa meesha lagu qoro amarada aad ku sameyneysid hackingka, sidaas daraadeed waxay kaaga baahan tahay marka hore in aad baratid qaabka loo isticmaalo iyo sida awaamirta loosiiyo si aad ugu qabsatid shaqada aad rabtid.

Appkaan wuxuu badiil uyahay softwareka caanka ah ee loo yaqaano kali linux kaas oo qabta shaqooyin waaweyn oo dhanka amaanka iyo hackingkaba ah, waxaadna ubaahantahay in aad taleefonkaaga root gareysatid si aad ugu qabsatid shaqooyin kabaxsan shaqooyinkii loogu talagalay.

Termux waxaad kalasoo degi kartaa playstoreka keliya kuqor Termux wuxuuna kasoo muuqan doonaa fikta hore ee raadinta waxaana ladagsaday 10 milyan oo jeer.

Toolska ugu caansan termux

1.Maskphish

Waa Too loo isticmaalo in lagu badalo hab muuqaalka linkiyada weliba sida aad adiga urabtid si aysan kaaga shakiyin dadka aad daneyneysid in aad jabsatid ama aad rabtid in aysan kaa shakiyin.

2.DDoS Attack

DDoS Attack waa nooc kamid ah weerarada internet ee lagu beegsado mareegaha ay daciifka yihiin serverskooda si mareegahaas loogaga dhigo kuwo dansan (down) oo aan shaqeyneynin lana soobooqan karin.

3.IP Geolocation

Waa tool aad ku ogaan kartid meesha uu joogo qof adiga oo udiraya keliya hal link kaas oo hadii uu kudhufto xogtiisa dhan ay kuusoo dhaceyso.

4.Virus Elite

Virus Elite waa tool kaa caawinaya in aad sameysid virus halis badan oo gabi ahaanba taleefonada iyo computerada kadhigi kara howl gab, xogta ku jirtaneh ubadali kara kuwa halaabay oo aan soonoqosho laheyn.

5.BeEEF

BeEEF waa tool kaas oo kaa caawinaya in aad sameysid nooc kamid ah hackingka oo loo yaqaano browser exploitation oo macnaheedu yahay in qof waliba oo kudhufta linkiga halista ah ee aad sameyn doontid uu noqon doona mid dhibane ah oo laga dhex adeegan karo browserka uu isticmaalayo markaas, sidoo kale xogta browserkaas ku jirta ma ahan mid amaan ah.

6.AndroidBugs-Framework

Waa tool kaa caawinaya in aad ogaatid khataraha kuhoos jira appska aad ku isticmaashid taleefonkaaga sida in ay xogtaada dhacayaan, in ay sawirada kuugu jira xadayaan iwm, siguud wuxuu ku ogeysiinayaan khatarta aad markaas wajaheysid ee kaaga imaanaya dhanka appkaas.

Gunaanad

Keliya intaan kuma eka toolsha ugu caansan balse termux balse waxaa jira kumanaan tools oo lagu dhex isticmaalo termux, sidaas daraadeed hadii aad xiiseeneysid barashada termux weliba ayada oo ku baxeysa af-soomaali waan bixinaa ee hadertaan bilaw barashadeeda, waxaana kuu sameyneynaa qiimo dhimis 50% ah.

Markii aad dhameysid koorsadaan waxaad yeelaneysaa qibrad iyo aqoon lamid ah dadka ku taqasusay arimaha tiknloojiyada iyo hackingka, waxaadna noqon doontaa qof bulshada katilmaaman oo loola imaado wax waliba oo kusaabsan hacking iwm.

Enroll Now Course: https://somalitech0.com/android-ethical-hacking/

Write a comment