asc asxaabta, qormadeenan maanta waxa aan idin kula wadaagi doona kadib in badan oo telefoonada iphone lagu isticmaalayay xadhig charger ka duwan midka lagu isticmaalo inta badan ee telefoonada android in marki u horaysay 2023 qalabada shirkada apple ay soo saari doonto dhamaantod ama badankoodu yeelan doonan ama lagu adeegsan doono xadhig chargerka USB-C.

sanadihii udambeeyay telefoonada aduunka sida kuwa android iyo kuwa aan xitaa ahayn ahayn sida huawei,iwm iyo computerada in badan oo kamida waxa xadhig charger ahaan loo adeegsanayay oo loogu talo galayay in lagu dabeeyo xadhig chargerka USB-C loo yaqaano. xadhigan oo ah mid aad uwanagsan marka loo eego awooda dabaynta qalabka uu dabaynayo iyo sido kale marka loo adeegsanayo xog xawaaraha uu xogta ku gudbinayo ayaa noqday sanadihii udambeeyay mid standard u ah ama laysku raacay in looga dhigo qalabada technologyada sida telefoonada iyo computerada xadhiga lagu dabeeyo oo companyada aduunku badankoodu ka dhigeen xadhig chargerka telefoonada ay soo saaran ama computerada ay soo saaran.

hadaba ugu dambayn shirkada apple oo telefoonadeda iphone iyo sido kale qalabadeeda kale ay isticmaali jireen xadhig la yidhaahdo apple lighting adapter ayaa ugu dambayn hada qorshaynaysa qaabki ay telefoonadeda iyo qalabadeda kale ee soo socda ay ugu shaqayn lahaayen xadhigan USB-C.

usb-c

ka dib in badan oo shirkada apple loo diraayay codsiyo ku aadan in ay qalabadeeda xadhig chargerka uga dhigto USB-C isla markaana dalabadaasi ay uga tagayeen dawladaha midawga yurub apple ayaa lagu khasbay hada inay uga dhigto xadhig charger qalabadeeda soo galaaya wadamada yurub. hadaba waxa la ogaaday in apple ay hada qorshaynaysay inta aan go’aanka midawga yurub utagin in qalabadeedu ay adeegsadaan xadhigan maadama aduunka intiisa badan shirkadaha soo saara telefoonada, computerada ay u wareegen adeegsiga xadhigan tayadiisa awgeed.

hadaba qalabada uhoreeya ee la rajaynaayo in ay shirkada apple soo saarto ee adeegsanaaya waxa ay noqon doonan iphone 15 iyo wixi qalabo mar ay shirkadu lasoo saari doonto. waxaana ay shirkadu ubadan tahay in dhamaan qalabadeeda ay xadhig uga dhigi doonto xadhigan USB-C.

hadaba talaabadan shirkada apple qaaday ayaa ka dhigan mid uwanaagsan adeegsadayaasha telefoonada iphone oo marki uhoraysay dareemaya inay ka baxeen in badan oo xadidnaan dhanka chargerka ay ku jireen. waxa kale oo ay uwanaagsan tahay deeganka maadama hada wixi kadambeeya ay koobnanayaan xadhkaha dabka ee qof isticmaalayo qalabada kala duwan ee qofku isticmaalayana hal xadhig kaga filnaanayo in uu u isticmaalo xadhig charger ahaan.

ugu dambayn maxay kula tahay talaabadaas ma mid u wanaagsan dhanka isticmaalka telefoonada mise waa mid kaliya shrkada apple lagu khasbayo inagula wadaag fikradaada qaybta commentga. mahadsanid.

One comment on “UGU DAMBAYN IPHONE 15 OO USB-C CHARGER AHAAN LOOGU ADEEGSAN DOONO”

  • Mohamed September 13, 2022
    Reply

    Thanks for your blog, nice to read. Do not stop.

Write a comment