Waa maxay cryptocurrency sidee ayuuna ushaqeeyaa?

Macnaha Cryptocurrency?

Cryptocurrency waa nooc kamid ah lacagaha la isticmaalo kaas oo ujira qaab digital ah macnaha ma ahan lacag aad arki kartid muuqaal ahaanteeda balse waxay ujirtaa qaab hawo camal oo aadan dareemi karin markii ay rabaan dadka in ay isdhaafsadaan lacagahaasi waxaa la dhex mariyaa system loo yaqaano cryptography kaas oo lacagaha la is weedaarsanayo ukala gudbiya dadka si amaan oo lagu kalsoonaan karo si aysan budhcada internetka aysan dhexda kala bixin, sidoo kale lacagtaani shirkad gooni ah ama dal gooni ah malahan waa lacag aduunka oo idil laga isticmaalo weliba si sir ah, hadii ay lacag kaaga lumto cryptocurrency ogow malahan meel aad kala xariirtid waa in aad iska sabartaa keliya.

Waa maxay Cryptocurrency?

Cryptocurrency waa lacag lagu baxsho qaab digital ah kumana xirna in aad bank ku keedsatid lacagaha aad kaheysatid si ay amaan unoqdaan balse cryptocurrency waa mid kamid ah lacagaha ugu amaanka badan dunida waana lacag tarmeysa hadii aad ku sameysatid maalgelin dhanka suuqa cryptocurrency, tusaale hadii aad kumaal gashatid suuqa 1,000 dollar bilooyin ama sanado kabacdi waxay ubadantahay in lacagtaas kuu toban jibaaranto oo aad ka macaashtid lacag aad ufaro badan.

Lacagta ugu caansan markii lajoogo suuqa cryptocurrency waa Bitcoin taas oo lasoo iqtiraacay 2009, waana lacag sanadba sanadka kadanbeysa qiimaheedu uu kor ukacayo tusaale 2009 halkiii bitcoin wuxuu ahaa wax kayar hal dollar balse maanta oo ay taariikhdu tahay 2024 wuxuu marayaa 65,000 kun oo dollarka mareykanka ah waad dareemi kartaa farqiga iyo macaashka aad lakulmi kartid hadii aad suuqaani maalgashatid.

Cryptocurrency sidee ushaqeysaa?

Cryptocurrency wuxuu dhex marayaa system loo yaqaano blockchain kaas oo hubiya lacaga leys dhaafsaday sax ahaanshahooda iyo keydinta xogaha isticmaalayaasha si markay dib ugusoo laabtaan suuqa loo fahmo in ay yihiin dad saami kuleh suuqa.

Si aad dhaqaale ugu sameysid cryptourrency waa in aad sameysaa waxa loo yaqaano mining oo ah in aad kafaaideysatid qaabka uu suuqa usocdo adiga oo kulamaaninaya aqoontaada si aad ugu baaqsatid in ay hanti kaaga lunto suuqaas, sidoo kale waa in aad fahantaa qaabka uu ushaqeeyo cryptocurrency sida bonds, stocks iyo mining si aqoontaada kasbashada lacag cusub ay sare ukacdo.

Tusaalayaasha Cryptocurrency

Waxaa jira kumanaan nooc oo kala duwan oo ah lacagaha kajira suuqa digitalka ah ee cryptocurrency, waxaana ugu caansan kuwaan soo socda

Bitcoin:

Bitcoin waa mid kamid ah lacagaha kajira suuqa digitalka waxaana lasameeyay 2009, waana lacagtii ugu horeysay ee loo sameeyay suuqaani waana lacagta ugu sareysa ee suuqaani laga isticmaalo waxaana sameeyay nin layiraahdo Satoshi Nakamoto.

Ethereum:

Ethereum waa platform kushaqeeya blockchain asiga qaas u ah oo ay leedahay shirkada cryptocurrency, waana midka labaad ee ugu caansan suuqa lacaga digitalka ah ee cryptocurrency.

Litecoin:

Litecoin waa lacag lamid ah bitcoinka balse waxay haab shaqada sida in lacagaha Litecoin lagu bixin karo si dhaqso ah.

Ripple:

Ripple waa nooc kamid ah lacagaha laga isticmaalo suuqa cryptocurrency waxaana lasameeyay 2012, waxyaabaha kale ee uu dheeryahay lacagaha kale ee suuqaani waxaa kamid ah in aad dhigan kartid lacagtaani bankiyo qaar oo dunida kajirta.

Sidee lagu gotaa cryptocurrency

1.Choose Platform

Waa in aad doorataa mid kamid mareegaha saxda ah ee iibsha lacaga digitalka ah si aad ugu iibsataid nooca lacag ee aad ugu baahantahay, shirkadaha caanka ah ee baxsha adeegyadaasi waxaa kamid ah shirkada Binance.

2.Funding you account

Accounkaaga waa in aad kushubataa lacag weliba lacaga la ogolyahay ee ay kowda katahay USD Dollar si dhaqdhaqaaga suuqa aad uga socotid.

Sidee lagu ogaadaa Cryptocurrency scamska ah

Fake website: habooqanin mareegaha ay leeyihiin tuugada ee macaash doonka ah taas cagsigeeda waxaa sitoos ah u abaarta mareegaha saxda ah ee bixiya adeegyada cryptocurrency

Ponzi Scheme: waa in aad iska ilaalisaa maalgashiyada been abuurka ah ee ay sameeyaan tuugada internetka jooga tusaale CJ App, Tradebot iwm.

Maxaa kugodan kartaa lacagta cryptocurrency

Lacagaha cryptocurrency kuugu jira waxaad ku godan kartaa ashyaa kala duwan sida guryo, gawaari iyo in aad insurance kugali kartid iwm.

Afar qaab oo loo maalgashado cryptocurrency

Research : waa in aad cilmi baaris sameysaa inta aadan suuqaani kubiirin sida faaidada kaaga imaan karta midka kugu haboon ee aad maalgashan kartid iwm.

Diversify your investments: waa in aad kala duwdaa meelaha aad kusameyneysid maalgelinta si faaido badan ay kaagasoo laabtaan una yaraadaan qasaaraha kaaga imaan kara.

Prepare for volatility: waa in aad diyaar unoqotaa aadna aqbashaa isbedelka joogtada ah ee ka dhaca suuqaani.

Be Update: mar waliba noqo qof update ah oo lasocda arimaha kusaabsan suuuqa si aysan kuu dhaafin waxyaabo badan ogaal la’aan.

Use Secure Wallets and Exchanges: waa in aad isticmaashaa hanaan lacag bixin oo amaan ah sababtoo ah wuxuu yareen karaa dhibaatada kaasoo gaari karta suuqa.

Write a comment