Waa maxay Ganacsiga Dropshipping. Sidese ushaqeeya

marka la joogo ganacsiyada internetka gudihiisa laga sameeyo waxa badana dhagahaga kuso dhaca dropshipping ganacsi la yidhaahdo, waxa aan maqaalkenan maanta iswaydiinayna waa maxay ganacsiga dropshippingka, sideese ushaqeeya. ganacsiga dropshipping waa mid kamida ganacsiyada ugu caansan ee internetka laga sameeyo. waa ganacsi qofka marka uu bilaabayo aan uga baahnayn wax qarash ah ama dhaqaale ah waxa aad ku bilaabi karta 0 dollar. maadama uu yahay ganacsi aan kaaga baahnayn wax qarasha waxa kale oo uu cajiib ku yahay inu yahay ganacsi aad dhaqaale badan ka samayn karto hadaad galiso juhdi iyo dadaal.

hadaba aynu iswaydiino waa maxay marka 1aad ganacsiga dropshippingka. ganacsiga dropshippingka waa ganacsi aad furanayso meel alaabaha lagu iibiyo oo internetka ah. waxa aan soo xusnay ganacsigan inanu kaaga baahnayn wax lacag ah. marka aad furanayso website aad ku iibiso alaabaha waxa aad soo galinaysa alaabo aanad haynin, waxa aad sawirada alaabaha kaso qaadanaysa goobaha saxda ah ee lagu iibiyo alaabaha.

marka qof macmiil ahi alaab kuso arko website-kaga kadibna kaaso dalbado alaab, waxa aad qofka macmiilka ah ka qaadanaysa xogta meesha alaabta looguso hagaajinayo ee uu dagan yahay iyo lacagta aad alaabta kasiisanyso. marka uu qofka kuuso diro lacagta, sido kale kuunaso diro halka uu dagan yahay ee loogu kenayo alaabta. inta kadib waxa aad alaabta kaso dalbanaysa goobaha lagu iibiyo ee rasmiga ah, marka aad alaabta ka dalbato waxa aad odhanaysa alaabta ku hagaajiya goobta uu dagan yahay macmilka ee uu kuuso sheegay.

waxa jira farqi udhaxaynaaya lacagta aad alaabta kasiinayso qofka macmiilka kuu ah iyo lacagta adiga alaabta lagaa siinayo. tusaale hadii aad adiga qofka alaabta ka siisay 80$, waxa adiga alaabta uu kaa siinaya meherada aad kaso iibsanaysa 50$, waxana adiga kuugu jira faaido ah 30$. sidaas ayaa adigana faaido kuso gaadhaysa, qofka macmiilka ah ee aad alaabta ka iibisayna alaabtisi ku gaadhaysa. qaabkas ayu ushaqeeya ganacsiga dropshippingka.

Write a comment