What Is an XAPK File and How Do You Install on Android?

android waa systemka loogu adeegsiga badan yahay aduunka, maadama uu yahay systemka ay ku shaqeeyan 75% teleefonada lagu adeegsado aduunku waqtiga aan articlekan qoraayo. mid kamida sababaha ka dambeeya android guushiisa waa inuu yahay system bilaash ah kaliya maaha adeegsigiisa balse xitaa source codekiisu yahay bilaash oo cid walba adeegsan karto sido kale kadib marka ay kaydsadaan in ay waxa ay rabaan ay ka badali karaan. waxa inta dheer hab fudaydkiisa ah marka aad barnaamij rabto inaad ku kaydsato telefoonka ah inaad barnaamijka kala soo dagi karto google playstore, sido kale aad barnaamijka oo ah fayle .apk ayaad ku kaydsan karta telefoonka kuna adeegsan kartaa.

balse waxa jira nooc kale oo ah fayl kaas oo barnaamijyada telefoonada android ay leeyihiin.oo aad arkayso barnaamijyo ah waana fayleka .xapk. inkasta oo uu u eegyahay filekani faylki hore ee .apk, gaar ahaan marka lagu kaydinayo telefoonka laguna adeegsanayona aanu waxbadan ka duwanayn, hadana waa mid gabi ahaanba ka duwan faylka .xapk.

qormadeenana waxa aynu kaga bogan doona waa maxay barnaamijyada .xapk ahi, iyo sida loogu shubo ama loogu fadhisyo telefoonka.

1. waa maxay .xapk fayl?

.xapk waa nooc kamida faylasha ay barnaamijyadu adeegsadaan sida faylka .apk. faylka .apk marka telefoonka androidka ah lagu kaydiyo telefoonku waxa uu u aqoonsadaa faylka barnaamij(app), balse .xapk faylka ah telefoonku waxa uu u aqoonsadaa fayl aanu garanayn isagana ku shaqaynayn. muhiimada loo adeegsado .xapk fayl waa inta badan barnaamijyada dhanka kaydka wayn. google playstore mid kamida xadidaadihiisa waa in aan lasoo galin karin barnaamij kaydkiisu ka wayn yahay 150MB. hadaba dadka barnaamijyada sameeya kaydkaasi uguma muuqdo mararka qaar mid ku filan. inta badan barnaamijyada gameka ah ayaa ah kuwa ugu badan ee kaydkasi ku yaraado balse maaha kuwa kaliya ee kaydkani ku yaraado. hadaba dadka appska sameeya waxa ay sameeyan inay appka ka dhigaan wax afka qalaad lagu yidhaahdo compress(isku cadaadin). oo ah in ay barnaamijka isku cadaadiyan si ay uyareeyan kaydka uu ubaahan yahay inta aan lagu dajin ama lagu shubin telefoonka. hadaba si ay midaas usameeyan faylka ugu wanaagsan ee ay adeegsadaan waa .xapk. xapk waxa uu hal fayl ka dhigayaa barnaamij ka kooban dhowr fayl sido kale waxa barnaamijka ku lamaan khaanad la yidhaahdo obb. khaanadani waxa ay haysaa macluuumadka barnaamijka kadibna marka barnaamijka lagu dajiyo ama lagu shubo telefoonka waxa loo wareejiyaa khaanada telefoonada android leeyihiin ee la yidhaahdo android.

2. sidee .xapk fayl ah loogu dejiyaa telefoonka?

inkasta oo ay jiraan apps aad u adeegsan karto qaabka loogu shubo ama dejiyo appska faylka .xapk ah, hadana waxa ka wanaagsan inaad ku dejiso telefoonka adigoo aan adeegsanayn wax barnaamij ah, inkasta oo aan kuu tilmaami doono hadana barnaamij aad u adeegsan karto inaad faylashan barnamaijyada ah aad telefonkaga ku dejiso linkigiisana aan soo dhigi doono qaybta uhoosaysa ee articleka.

si aad barnaamij la’aan ugu dejiso faylashan barnaamijyada ah telefoonka marka hore ee ad faylka .xapk ah aad lasoo degto ee telefoonkaga uu ku jiro. waxa aad ubaahan tahay inaad magaca faylka halka laga badalo inta aad tagto aad qaybta dambe ee magaca ee faylka nocisa .xapk aad ku badasho zip. sida sawirka hoose kaaga muuqata. intaas kadib faylka inaad taabato ama aad doorato. kadibna waxa aad dooranaysa unzip sida sawirka ka muuqata. hadii aanay midaasi kuuso bixin waxa aad ubaahan tahay inaad adeegsato khaanad maamule ama file manager barnaamija ah waxa aanad adeegsan kartaa barnaamijka es explorer waxa uu ku jiraa playstore.

hadii faylka ay kasoo muuqdan barnaamij iyo sido kale khaanad obb ah waxa aad samaynaysa inaad barnaamijka ku shubtid ama dejisid telefoonka khaanada obb inta aad nuqul ama copy ka qaadid aad dhigtid khaanada android > obb. qaabkas ayaad ugu dejinaysa .xapk fileska.

hadii marka aad doorato .xapk faylka ay kaaga soo baxaan wax kabadan hal barnaamij oo apk ah waxa lo yaqaan noocan split apk, qaabka aan hore kuug soo tilmaamayna telefoonka looguma dejiyo. barnaamijyada noocana waxa aad ubaahan tahay inaad adeegsato barnaamij kale oo la yidhaahdo split apk installer.

halkan kala dag split apk installer.

si aad barnaamijyadan ugu dejisid ayagana telefoonka kadib mark aad appka split apk installer ku dejisid telefoonka adigo adeegsanaya linkiga sare waxa aad maraysa talaboyinkan.

  • dooro barnaamij split apk installer kadibka kasii dooro install apks
  • kadib dooro labada fayl doore ee kuuso muuqanaya aadna khaanada ay appska .xapk ahi ay yaalan
  • dooro dhamaan .apk faylasha ah ee ku jiray faylka .xapk, hadooran apps kale hadii ay khaanadas ku yalen
  • waxa kuuso baxaysa daaqad ku sinaysa macluumad ku saabsan appka aad ku dubayso kadib dooro install
  • kadib waxa soo baxay daaqad dooro allow frome source si uu barnaamijku ugu dejiyo barnaamijka kale telefoonka.

si aad uga saartid telefoonka barnaamijka waxa aad maraysa sida barnaamijyada kale telefoonka looga saaro waxa aad aadaysa qaybta settingka telefoonka, kadibna barnaamijka ayaad sii dooranaysa kadibna barnamijka ka ayaad ka dooranaysa halkaas uninstall ayaad dooranaysa, sido kale qaybta hore ee thomeka la yidhaahdo e telefoonka waad ka saari kartaa hadii aad taabato oo aad haysid barnaamijka hadii ay kuuso baxdo uninstall waad dooran kartaa

inkasta oo ay fiican tahay inaad adeegsato barnaamijyada kale ee aan ku jirin playstore hadana waxa muhiima inaad niyada ku hayso inay yihiin barnaamijyo qalaad. micnuhu waa barnaamijyadan may marin tijaabo ah inay yihiin qaar nabdoon oo ka madhan virus iyo malware sida barnaamijyada kale ee google playstore ku jira oo iyagu aan wax dhibaato ah lahayn. hadaba ku dadaal inaad kala dagto barnaamijyada wesiteyo lagu kalsoon yahay inaanay wax dhibaato ah lahayn. kuwa ugu wanaagsan websiteyadaas waxa aan kaga hadlay muuqalka youtube channelkena ku jira, linkigiisana qaybta hoose ayaan kuuso dhigayaa.

mahadsanidiin.

halkan kala dag barnaamij kale oo kuugu duubaya appska .xapkga ah

One comment on “What Is an XAPK File and How Do You Install on Android?”

  • Mohamed April 20, 2022
    Reply

    Muuqaal kasoo duub

Write a comment